Rushka oo wadahadal u socdo Somaliland, Laba Markabna u diray Badda cas


Hargeysa(Qaran news) Maraakiib dagaal oo uu leeyahay Ruushku ayaa gaadhay xeebaha badda cas.

Laba markab oo Ruushku leeyahay ayaa lagu arkay inay gaadheen badda cas, xili ay xiisad adagi ka taagan tahay halkaasi oo kooxda Xuutiyiinta Yeman ay weeraro ku hayaan badeecadaha u raran Israa’iil iyo reer galbeedka.

Xuutiyiintu waxay weerareen oo qabsadeen markab u rarnaa Israa’iil iyo qaar waddamo kale laga leeyahay.

Geesta kale ilo wareedyo ku dhow dhow xukuumadda Somaliland ayaa sheegaaya in dawladda Ruushku ay xidhiidh toos ah Somaliland kala soo samaysay arimaha Saldhig uu dalka Ruushku ku yeesha Bada Somaliland, hase yeeshee xukuumaddu kama ay hadal wararka sheegaya inuu wada hadal u socdo dawladda Ruushka iyo Somaliland

Somaliland ayaa hore ugu baaqday beesha caalamka in qaddiyadda badda cas lagala tashado oo ay kaalinta ay mudan tahay ka qaadato ilaalinta bedqabka ammaanka badda cas iyo gacanka cadmeed.