3-dii xubnood ee ugu dambeeyay Guddida Doorashooyinka S/land oo iscasilay

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi, sida ay ii xaqiijiyeen Illo-xogogaal ah.
Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.
Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.
Tani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.