3-Hab oo kuu fududeyn kara inaad baasaboorka Soomaaliya ugu safartid Dalal badan

Baasaboor

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa si joogto ah isu beddelayay darajada uu baasaboorka Soomaaliya ka joogo liiska qiimeynta baasaboorrada ee hay’adda Passport Indext, inkastoo uu weli meel hoose ku jiro. Haddaba shakhsi ahaan, sideed adiga baasaboorkaaga awood ugu yeeli kartaa.

Xogtii ugu dambeysay ee lagu soo bandhigay bogga Passport Index ayaa muujineysa in baasaboorka Soomaaliya uu dhowr darajo kor u kacay, isagoo ka sare maray baasaboorrada waddamo dhawaan ka horreeyay.

Waqti xaadirkan waxa uu aqoonsiga lagu safro ee Soomaaliya ku jiraa kaalinta 195aad, waxaana ka hooseeya 4 dal oo kala ah; Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan.

Soomaalida wadata baasaboorka Soomaaliga oo danta ka yeesha adduunka ayaa inta badan waddamada ay u safrayaan lagu xujeeyaa in ay dalbadaan dal-ku-gal ama fiiso. Arrintaas waxaa kaga baxa kharash iyo wakhti labadaba.

Dadka caqabadaha kala kulmay baasaboorka Soomaaliga waxaa ka mid ah Bisle Maxamed oo BBC-da u sheegay in uu dhacdooyin badan la kulmay.

“Mar walba baasaboorka Soomaaliga ah waa daciif, sababtoo ah garoomada diyaaradaha qaar marka aad tagtid waxaa laguu maleynayaa in aad wadatid wax been ah, marka aad ayaa laguu baarayaa, aad ayaa laguu dhibayaa,” ayuu yiri.

Tani waa qeyb yar oo ka mid ah dhibka ay la kulmaan dadka wata baasaboor Soomaaliga. Laakiin waxaa ba adag in marka hore qofku helo dal-ku-gal ama fiisa socdaalka.

“Tusaale ahaan, sanadkii 2021 anigoo u socda Cumaan [ayey diyaaraddii aan la socday ku hakatay Imaaraadka Carabta], warqadaheyga iyo wax walba anigoo wata ayaa la igu xujeeyay warqado kale inaan ka helo Cumaan, waxaa la igu yiri ‘maxaad online uga sameyn weysay’, ‘warqadda hoteelka sax ma aha’, marka dhibkaas ayaan mar walba lala kulmaa,” ayuu yiri Bisle.

Bisle Xasan Maxamed

Sida awood loogu yeelo baasaboorka

Baasaboor

Haddii baasaboorka Soomaaliga awooddiisu hooseyso, taas micnaheedu ma aha in aan la xoojin karin, ayuu yiri. Waxaa jira qaabab lagu horumarin karo ama awooddiisa kor loogu qaadi karo.

Bisle Xasan oo khibrad u leh ku safridda baasaboorka Soomaaliya ayaa sheegay in qof kasta uu shakhsi ahaan horumar u gaarsiin karo baasaboorkiisa.

Waxa uu sheegay in haddii uu xitaa baasaboorku daciif yahay uu haddana shakhsigu si iskiis ah uga dhigi karo mid xooggan, oo u fududeeya inuu meelo badan ku tago, si fuduna ugu safro.

“Mar walba oo baasaboorkaaga ay ku dhacdo dhowr fiiso waxaad heysataa fursad aad ku heli kartid fiiso kale sababtoo ah sharciyadii oo dhan ayaad taqaannaa, waxaana kuu sahlanaaneysa in aad hesho dal-ku-gal kale,” ayuu yiri Bisle.

Sida caadiga ah safaaradaha ayaa baasaboorrada fiisaha looga codsada ku qiimeeya in horay loogu tagay dalal kale. Sidoo kale waxaa saameyn xun yeelan kara haddii baasaboorkaas ay dalal kale u diideen fiisahooda.

Sidaasoo ay tahay, Soomaalida oo keliya ma aha dadka dhibka ku qaba baasaboorka daciifka ah.

Hindiya oo ah waddanka labaad ee ugu shacabka badan caalamka, dimuqraaddiyadda ugu ballaaran dunidana ay ka hirgashay ayey muwaadiniintiisa caqabado kala kulmaan helitaanka fiise waddan kale lagu aado.

Baasaboorka Hindiya ayaa 25 darajo ka sarreeya baasaboor Soomaaliga.

Waxaan waraysi la yeeshay Thirumal Motati oo ah socdaale caalami ah oo u dhashay dalka Hindiya. Wuxuu ku guda jiraa qorshe ah in uu dunida dhan safar ku maro isaga oo isticmaalaya baasaboorkiisa dalka Hindiya oo uu ku sheegay in uu yahay mid liita.

Motati wuxuu sidoo kale wax ka qoraa socdaalkiisa iyo macluumaad ku saabsan dal-ku-gallada ama fiisooyinka baasaboorrada liita oo uu ku daabaco bartiisa internet-ka.

Thirumal Motati

Hay’adda qiimeysa baasaboorada caalamiga ayaa baasaboorka Hindiya ku qiimeysay kaalinta 134, waxaana dal-ku-gal looga xiraa 125 waddan. Sidaas darteed, baasaboorka Hindiya wuxuu ka mid yahay kuwa ugu liita adduunka.

Wuxuu ii sheegay in ay jiraan qaabab awood loogu yeeli karo baasaboorrada awooddoodu liidato.

Waxaan weydiiyay sababta uu u doortay in uu baasaboorkiisa u raadiyo qaabka uu awood ugu yeeli lahaa.

Wuxuu yiri, “Waxaan jeclahay in aan safro, waxaana doonayay in aan dalal badan socdaal ku maro inta aan noolahay. Dabcan arrintaas ayaa igu adkayd maaddaama aan haysto baasaboor awooddiisu liidato.”

“Waxaan isku khasbay in aan baaritaan dheer u galo sidii aan ku horumarin lahaa awoodda baasaboorkayga, si ay iigu sahlanaato in aan u safro dalal badan.”

Waxaan sidoo kale weydiiyay sababta uu u doortay in uu caawiyo dadka sidiisa camal ah ee haysta baasaboorrada awooddoodu liidato.

Wuxuu ii sheegay in ay yar yihiin macluumaadka ku aaddan dal-ku-gallada baasaboorrada awooddoodu yar tahay iyo qaababka ay ku xoojin lahaayeen baasabooradooda si ay ugu sahlanaato in ay waddamo badan u safraan.

“Waxaa sanadihii badnaa ee aan raadinayay dal-ku-gallada ii kordhay khibrado ku saabsan qaababka loo raadsado fiisooyinka, sidoo kalena loo horumariyo baasaboorada aan awoodda lahayn, sidaa darteed, waxaan dareensanaa in ay jiraan dad fara badan oo sidayda camal dhibaato ka mara tabar yaridda baasabooradooda, waxaanna go’aan saday in aan wax ka qabto oo aan usoo gubdiyo macluumaad ku aaddan horumarinta awoodda baasaboorada liita.”

Qaababka loo horumarin karo awoodda baasaboorka Soomaaliga ah.

Dhis taariikh socdaal ah

Socdaalka

Thirumal ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in baasaboorkaaga ka muuqdaan dal-ku-gallo dalal badani leeyihiin. Tani baasaboorkaaga awood fiican uma samaynayso, balse waxay kuu sahlaysaa in si fudud laguugu ansixiyo dal-ku-gallada ama fiisooyinka aad dalbatid.

“Taariikh socdaal haddii ay ka muuqato baasaboorkaaga, saraakiisha socdaalka waxay ka dhex arkayaan in aad tahay qof aan lahayn dembiyo socdaal, waxayna kuu fududeyneysaa in go’aan laga gaaro codisgaaga. Waddamada qaar, sida Maraykanka, Canada, Malaysiya ayaa codsada in ay arkaan taariikhda socdaalkaaga.”

Oggolaanshaha shaqada

Waxaa sidoo kale baasaboorka Soomaaliga awood u yeela ogolaanshaha shaqada ee ay bixiyaan waddamada adduunka sida Turkiga, Singapore, Malaysia iyo kuwa lamidka ah oo leh awood dhaqaale oo xooggan. Ogolaanshaha ayaa sidoo kale ka dhigan in aad leedahay degenaansho rasmi ah, aadna tahay canshuur bixiye dalkaas deggan, ayuu yiri.

Sidoo kale, waxaan la kulmay gabar Soomaaliyeed oo dhaliyaro ah oo haysatay ogolaanshaha shaqo ee dalka Malaysia kaas oo awood u yeelay baasaboorkeeda Soomaaliga ah. Waxay ii sheegtay in dal-ku-gal ay ka dalbatay waddanka Maraykanka ay si sahlan ku siiyeen.

Mareykanku waa mid ka mid ah dalalka ay adag tahay in fiisahooda la helo, oo xitaa marka baasaboor Soomaaliga laga soo tago ay caqabad kala kulmaan dadka heysta baasaboorrada dalalka kale.

Gabadhan oo magaceeda iigu sheegtay Faadumo Maxamad ayaa waxaan weydiiyay in ay noo sheegto arrimaha ugu muhiimsan ee baasaboor Soomaaliga awood u yeella, dhallinyaradana u fududeyn kara in ay ku safraan.

“Baasaboorkaaga waxaa awood u yeeli kara in aad adiga qof ahaan ka dhisan tahay xagga deegaanka iyo shaqadaada. Waa in aad heysatid warqadda oggolaanshaha shaqada, aadna si rasmi ah deegaan ugu tahay dalka aad ka shaqeysid, haddii aad dalka dibaddiisa joogtid. Muhiimadda waa in la arkaa in aad tahay qof shaqaysta oo isku filan,” ayey tiri.

Baasaboor

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa waxay ku sheegtay in ay tahay in qofka laga helo ama uu haysto banki lacagaha uu dhigto.

Iyadoo qodobkaas sharraxeysa ayey tiri: ‘’Dhaqdhaqaaqa bankiga ee magacaaga wata ayaa aad muhiim u ah, waana shayga ugu horreeya ee safaarad walba ay dadka weydiiso, waxayna fiiriyaan lacagaha sida joogtada ah usoo gala, kuwaas oo ay doorbidaan qayb ka mid ah in ay keyd kuugu ahaato akoonkaaga.”

Waa in laguu arko qof leh deegaan rasmi ah oo dib ugu laabto islamarkaana aan tahriibeynin ama aan dooneyn in uu si sharci darro ah dal kale ugu noolaado, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Dal-ku-galka Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Schengen Area

Thirumal Motati

Haddii aad baasaboor Soomaali ku heshid dal-ku-gal ay soo saartay dowladda Maraykanka, ama Ingiriiska, Kanada iyo kuwa ku mideysan Schengen (Isutagga Yurub), ha ahaadaanno kuwa dalxiis ama wax barasho, wuxuu baasaboorkaagu siinayaa awood dheeri ah. Waxaa kuu sahlanaanaysa in aad dal-ku-gal la’aan (visa free) aad ugu dhooftid waddamo aad u badan oo si gaar ah u xurmeeya fiisaha dalka Maraykanka, si la mid ah Thirumal oo ku safartay baasaboorka Soomaaliya iyo … oo ku safray baasaboorka Hindiya, oo ah labo ka mid ah baasaboorrada ugu liita dunida.

Thirumal ayaa sheegay sababta ay waddamo badan u ogol yihiin in ay waddan kooda kuugu soo dhaweeyaan dal-ku-gal la’aan haddiiba aad haysatid fiisooyin ay soo saareen Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Schengen Area iyo xittaa Australia.

Wuxuu yiri. “Helitaanka fiisooyinka waddamadan ayaa waddooyin dheer loo maraa, waa ay adag yihiin, waxaa sugan baaritaannada la mariyo dadka codsanaaya. Sidaa darteed, waddamada kuu ogolaanaya in aad waddankooda booqatid fiiso la’aan haddii aad haysatid fiisooyinka dalalkaas, waxay kuu arkaan in aad tahay qof aan dhibaato u keeneynin dalkooda maadaama baaritaano adag ay kusoo mariyeen waddamadaas waawayn.”