3 Madaxweyne oo Afrikaan ah oo ay Fadeexad ku dhacday iyagoo Fagaare jooga

Salva Kiir Mayardit

Maalmahan waxaa si weyn u faafay muuqaal laga arkayo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit oo ay surwaalkiisa qoysay wax u muuqday kaadi xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta.

Salva Kiir oo 71 jir ah ayaa fadeexad kala kulmay dhacdadaas oo ku beegantay isagoo ay kaamirada heyso, si toos ahna looga daawanayo telefishinka.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa markaas ka qeyb galayay munaasabad loogu dabaal degayay furitaanka waddo cusub oo la dhisay.

Kaamiro uu si toos ah ugu beegnaa ayaa qabatay qoyaaska kasoo baxay surwaalka, wax yar ka dibna madaxweynaha ayaa hoos u fiiriyay lugihiisa ka hor inta aan laga wareejin kaamirada.

Warbaahinta Sahara ayaa tebisay in Madaxweynaha uu la xanuunsanaa caabuq dhinaca kaadida ah oo sababay in ay kasoo daadato.

Salva Kiir ayaa Suudaanta Koonfureed madaxweyne ka ahaa tan iyo markii ay madaxbannaanida qaateen sanadkii 2011.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay kaamiro qabato madaxweyne Afrikaan ah oo ku „ceeboobay meel fagaare ah”.

Waxaa jiray ilaa labo dhacdo oo kale oo hadal heyn dhaliyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Robert Mugabe

Mugabe

Dabayaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 ayuu madaxweynihii geeriyooday ee dalka Zimbabwe la kulmay dhacdo dhalisay hadalheynta warbaahinta, laguna tilmaamay xaalad uu “ku ceeboobay”.

Muuqaal aad la isula wadaagay ayaa laga arkay Mugabe oo xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Hindiya ku sigtay in uu dhaco xilli uu socday.

Arrintaas ayaa kuso aadday markii uu Mugabe dhammeystay khudbad uu ka jeediyay shirkada Hindiya iyo Afrika ee ka dhacay magaalada New Delhi.

Madaxweynaha Zimbabwe oo markaas ahaa 91 ayaa laga dareemayay in uu daal awgiis la daciifay, isagoo isku dayayay in uu u socdo dhanka Raysul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si uu u gacan qaado.

Raysul Wasaare Modi iyo labo qof oo kale ayaa si deg deg ah ugu booday dhankiisa si ay kor ugu soo qaadeen.

Waxay ahayd markii labaad oo ay fadeexad lasoo gudboonaatay Mugabe. Bishii February ee isla sanadkaas ayuu Robert Mugabe hadal heyn dhaliyay ka dib markii uu ku turunturrooday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Harare.

Cali Bongo

Cali Bongo

Madaxweynaha dalka Gabon Cali Bongo Ondhimba ayaa hadal-heynta baraha bulshada qabsaday bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ka dib markii la faafiyay muuqaal laga duubay isagoo uu dhibayo socodka.

Muuqaalkaas ayaa sidoo kale laga arkayay Raysul Wasaarihii xilligaas ee Britain, Boris Johnson oo sugaya inta uu gudaha ka galayo madaxweynaha oo caawinaad ka helayay nin kale oo u muuqday inuu ka ilaalinayay inuu dhaco.

Bongo ayaa la xanuunsanaa cudurka Faaligga oo ku dhuftay sanadkii 2019-kii, hase yeeshee waxa uu diiday in uu ka dago xilka madaxweynaha.

Waxa uu xilka madaxweynaha Gabon hayay tan iyo sanadkii 2009, markaas oo uu kala wareegay aabihiis Cumar Bongo oo waddanka madaxweyne kasoo ahaa laga soo billaabo 1967 ilaa markii uu geeriyooday 200