$5.5 Million halkee la mariyey ?
15 May 2019 Hargeysa waxa laga daahfurey Mashruuca Tamarta ee Somali Electricity Access Project(SEAP). Waxa maalgeliyey Baanka adduunka, waxaana saxeexay wasiir Beyle, waxaana fulinaysay Wasaaradda tamarta Somalia, waxa (Implementing agency ) ka ahayd Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, lacagta ku baxaysay waxay ahayd ($5.50 million) waxaana loogu talaglay in Tamarta Korantada laga dhaliyo Cadceeda ee SOLAR ka la gaadhsiiyo tulooyinka, ganacsiyada yaryar iyo guryaha danyarta. Waxa qayb ka ahaa tayaynta shaqaalaha Wasaarada Macdanta Somaliland iyo Kaabis haayadaha adeega laydhaka bixiya ee Somaliland. Mashruucan halkee laga fuliyey? deegaanadee ka faa’idaystay? dadkii loogu talo galay ma gaadhay mashruuca SEAP? muxuu ka badaley baahidii korantada bulshada Somali
Maxamed Sidiiq Dhamme