9 Guri oo Dab ku Qabsaday Hargeysa


Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Dabdamiska ayaa gurmad u fidiyay guryo dab qabsaday oo kuyaalada xaafada Xero Ruushta ee degmada 31-ka May, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa maanta gurmad samata-bixina u sameeyay 9 guri oo ku yaala Xaafada Xero Ruushta ee degmada 31-ka may, waxaaney ku guulaystay xakamaynta dabkaasi kana badbaadiyay Guryihii kale.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa sheegay inay badbaadiyeen ku dhawaad 50 Sandaqadood oo goobtaas ku yaalay, taliyaha ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargeliyay inay banneeyaan waddooyinka, isla markaana cidhiidhiga ka daayaan goobaha hawlgaladu ka socdaan.

Sidoo kale ciidanka Dabdemisku waxa ay sheegeen in Xilliyadan lagu jiro xagaaga ay aad u badan tahay halista dabka, gaar ahaan korontada, waxaanay bulshada ka codsadeen inay ka taxadiraan markasta khatarta dabka oo ah mid marstaba joogta.

Waxaaney bulshada ku wargeliyeen haddii ay la kulmaan masiibo dab inay soo wac lambarka gurmadka deg dega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel 24 ka saac.