Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Madaxa Mashruuca EU-TAPF, Mr. Steve Hind, iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Farah.

Kulankan ayaa laga wada hadlay sidii Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland uga faa’iidaysan lahayd taageerada farsamo ee uu bixiyo mashruuca EU-TAPF, kaas oo ay maamusho hay’adda DAI.
Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada qorshaynta, horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, iyo taageerada farsamo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa masuuliyiinta mashruuca uga mahadcelisay taageerada iyo wada-shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Somaliland, iyadoo xustay in iskaashigani door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada dadweynaha, iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.