Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland ay marayso marxalad horumar leh, islamarkaana dhawaan shacabka JSl ay maqli doonaan war weyn oo ka farxiya oo ku saabsan in dalal badan ay aqoonsadaan Somaliland, kuwaas oo xusay inay jidka kusoo jiraan.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in 18 May hore ay u yara dhutiyaysay, haddase ay talaabsatay oo ay heshay ictiraaf, isaga oo tilmaamay in jidka aqoonsigu uu furmay isla markaana shacabka Somaliland ay maqli doonaan dalal cusub oo aqoonsada Somaliland.
“18 May hore way u yara dhutiyaysay hadda se way talaabsatay oo waxay heshay Ictiraaf. Waxaan idiinku bushaareynayaa jidka waa lagu soo jiraa dhawaana waxaad maqli doontaan wadamo badan oo Ictiraafay Somaliland. Waxaan filaynay in 18 May ay qaar badan kasoo horeeyaan laakiin hadaan sugaynaaye Bushaaro ayaan idin leeyahay.” Madaxwayne Ku-xigeenka JSL, Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa sidan ka sheegay xafladdii xuska 18 may ee magaalada Birmingham ee dalka Uk oo uu kala qaybgalay jaaliyadda magaaladaasi.
Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May oo lagu qabtay magaalada Birmingham, halkaas oo uu kala qaybgalay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaaladaasi.





