Writen by Qaran News |

Aamina Weris & Moorgan Berbera & S/Land sawkuwaa Xaqul Qalin Siistay
ee Berbera Mobil ku qaatay, horana Berberi wax Go, lagu qaado ka weyn ahayd.
Odayada Iimaaraadka Morgan u Kaxaystay ee uu Diyaarada ku qaatay, ee uu ku yidhi Berbera Mobil inoogu soo qaada & Kuwii
horana waxay lahaayeen hal adayg & Odayo Iimaanka Qaba ee Reer Berbera oo Ingiriiskii ka dhaqaajiyey oo ku yidhi Berberi
wax Go, lagu qaado ka weyn, Odayadan la kaxaysteyna Qado & Qaad ayey siisteen Berbera, oo Mobil loogu shubay wax ay
Berbera ku soo qaateen & Saldhig Milatari oo Colaad & Dagaal & Dab ka holcaya Carabta u soo duwan Berbera & S/Landba.
Bal Hadaba, Wasiirka Sacad Cali Shire, qof walba wuxuu yidhaahdo ama uu ku hadlo ayaa loogu magacaaba, waayo wuxuu
noqday Wasiir Beentiisa & Wixii u shubayey ee ahayd, Heshiis Lama Keenin Baarlamaanka & Anigu Saxeexi maayo wax aan
Cadayn, ayaa Hanjabaadi Moorgan & Aamina Weris ugu hanjabeen Xilkaagaad waayi uu ku saxeexay, kuna raacay Wafdigii.
Ta Kale, Wasiir Sacad wuxuu Tv,ga Siilaanyo ka sheegay in heshiiskaasi wax tarka uu inoo leeyahay ay ku jirta abaarta oo laynaga
caawiyo, & Jidka Isku xidha Wajaale & Berbera oo ah Mashruuc meel kasta ay ku sheegaan, kuna andacoodaan oo ah wax ay
indhaha Shacabka iskaga jeedinayaan.
Sidaas Darteed, Berberaay ma Moorgan ayaa Mobil ku qaatay, oo Magafe ah ayaa Cid kaaga Miciinta jirin, oo Wadankii wada
xaraashay, hore Dekedii ayuu u xaraashay Moorgan, Dekeda waakii Mishiinka uu Baabuurta lacagta kaga guranyo dhigtay,
Imikana waxa xigi Dadka oo uu daabulo oo ka ganacsado, Waayo Moorgan & Aamina Weris waxay arkeen inaan cidina hor
istaagi karin, cidi ka damqanayn Wadanka ay Xaqul Qalinka wada siisteen, Moorgan & Aamina Weris waxay Sidaa u yeela
waxay ujeedaan Shicibkii, Waxgaradkii, Dadkii Aqoonta lahaa, oo wada hurda oo Lawada iibsan karo oo Shilimo Mobilka inta
loogu shubo haye ku darsada wax walba xaraasha, Xiitaa Hablaha & Dhalinyarada Suuq u raadiya, Subxaanalaa.
Bal Hadaba, Maanta baarta & Haraadka & Gaajada Aamina Weris & Moorgan & Inta Madaxtooyada Ku Jaqda Xaaraanta waa kuwaa
aan ka damqanayn, ee xoolaha inoo soo xaraasha, Dekedaha & Airportyada & Haamaha inoo soo wada gada, oo Xaqul Qalin inoo
soo wada siiya, oo Kuwa Aakhiro & Qabrigii ku ilaaway Xaaraan oo Wada Dilaalana , Waa Wasiiradii Ciida ka badnaa ee Dubai isu
Wada Raacay, waa Dilaalka ugu Weyn Faysal Xaqul Qalin, oo Ilaahay dhakhso ugu ridi dooni dhamaantood Cuqubo & Inkaar ay
ka galabsadeen Shicibka ay Colaada, Dagaal & Ololka Yamen u soo rarayaan, oo Dad Islaama dhiigooda Lacag soo siisanaya.
Berberaay, Moorgan & Aamina Weris, Miyey Mobil ku qaateen, Magafayaal Miyey ku Heleen oo Doollar ku siisteen Dilaal & Malaal
& Biidhiqatayaal miyey Bahalo ku keeneen, Waa Madaxweyne Ku Xigeen, & Mooryaantii Raacday Faysal & Wasiiro ku sheego.
Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Asha Jama
ashaa.j@live.nl