Writen by Qaran News |

 Aas loo sameeyay soomaalidii ku geeriyootey dabkii ka qarxay Fooqa Mineapolis+Sawirro

Magaalada Burnsville oo u dhow Minneapolis ayaa waxaa lagu aasay qaar ka mid ah dadkii Soomaalida ahaa ee ku dhintay dab saacadihii hore ee Arabacadii qabsaday daar ku taal xaafadda CEDAR RIVERSIDE ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shan ruux oo ay labo soomaali tahay ayaa dabkaasi ku dhintay, waxaana la sheegay in labadaasi ruux ay ahaayeen haween lagu kala magacaabo Maryan Mohamud (69-jir), Nadifa Mohamud (67-jir).

Bulshada Soomaalida ayaa dhaqaale u ururisay eheladii dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masiibadaas.