Writen by Qaran News |

Sida aynu ka dheregsan nahay dalka waxaa ka jira oo aad ugu baahay abaar taasoo wali magac loo bixiyo loo la, yahay , ma baahaa mayee taa waa la soo maray , ha niiclayso iyo ha naaclayso waa la soo dhaafay, daba dheer alayalay yagu gudbe hadaba tan imika socotaa waa mid ku dhereran dhamaan dalka ha ugu sii badnaadeen gobolada bariga oo xoolihii mar hore galbadeen imika dadkii oo markii horeba ahaa noole noole ku dul nool ayaa imika ay ku sii daba yartahay wax gurmad ah oo la sheego oo xukumad ku sheega ka yimaada ma qabaan,haayado yaga hadalkooda iska dhaafba , caawimaado kale ha inoo dhinaato .
Hadaba maaha markii ugu horaysay ee lala kulmo abaarahan oo kale sanad walba waxaa laga cawdaa abaaro soo noqnoqda kuwaas oo aan laysba waydiin maxaa sababa wana taas taan is leeyahay inaan wax kaga sheego maqaalkan oo aan doonayo inaan kula wadaago bulshada.
Juquraafiyan dalka somaliya sanadkii wuxuu helaa roobka laba jeer waa labada jeer somalidu ugu yeedho gu, iyo dayrta berigii hore waxaa loo heli jiray si joogto ah mar mar ay da,aan laakin ay xumadaan ama yaradaan mooyaane laakin imika si joogto ah looma helo oo uma da,aan, hadii guga la helo dayrta ayaa la waayaa taasna lama darsin ilaa imika laakin waxaa lagu sababayn karaa amarka ilaahay ka sokow is bedelka cimilada la sheego inay aduunka oo dhan saamaysay taasoo somaliyana radaysay sida la tuhunsan yahay lama hubee, marka roobku da,o ee la helaba loogama faaiidaysto sidii loo baahnaa haday ahaan lahayd daaqsin ahaan iyo waraab ahaanba daaqa lagagama faaiidaysan oo dalka guud ahaan wuxuu isugu baxay jeexjeexyo iyo wadooyin ay sameeyeen gawaadhi ciidaa ka badan oo dadku soo galiyeen lacag badan oo hadii ay waxsoosaar galin lahayeen waxbadan qaban lahaa wadooyinkaas oo keenay in marka roobku da,o isla markaa uu qaado ama joogsado aan dhulkaba la moodo in aan rooba helin kadib marka biyihii roobku dhigay cagta iyo beerkaba saran ee ay qulqulaan wadooyin kaa oo markiiba isu bedela togag waawayn lama yaqaan meelay ku shubmaan oo way iska gudhaan sida ay wadadaa aan dhamaadka lahayn u hayaan qaar kale waxaa la sheega inay ku shubmaan bada halkaas waxaa meesha kaga baxay oo lagu waayay daaqii ay biyahaa wadooyin ka qaaday ama bada ku shubmay soo saari lahayeen, dhanka waraabkana lagagama faaiidaysan oo hadii biyahaa yaacay ee cagaha wax ka dayay dabar iyo meel ay sal dhigtaan loo samayn lahaa jilaal iyo xagaa midna la arkeen lamina tabeen oo biyihii roobkii hore oo ku jira ayaa ka kale ku soo gaadhi lahaa laakin yaa u samaynaya ? dowladii u samayn lahayd waxay ku mashquulsan tahay dilaalid iyo inay calooshood u shaqaystayaal dalkii ka kireeyaan, maxase lagu sameeyaa xoolihii umadu waa wax cadaanka shaqsiyaad ku kala qaybsadeen iyo wax lagu kharash garaynayo olole iyo xaflado .
Reer miyigu marka abaartu hayso ma wada hadlaan oo wax walba oo ay isugu yimaadaan ama isku qabsaan waxay dib ugu dhigtaan inta roobku da,ayo yagoo ku sababaynaya inay imika dhiibaato ku jiraan oo anay banaanayn in la wada hadlo haday tahay xaga howsha xoolaha ee jilaalka iyo haday tahay dhanka in ilaahay laga baqaba si uu ugu soo naxariisto oo roob ula soo gaadho laakin markaa uu roobku maansheeyo ee xooluhu naqaystaan ee wada naxaan waxaa bilaabanta baane, kibir iyo budh lul waxaa la soo faqaa dhamaan wixii jilaalkii la haleeli waayay in laga wada hadlo iyo arimo xilagaa jilaalka aan muuqanba ama la dareemin laakin markii la nimcaystay la soo gocday ama la soo xasuustay “ waar horta kaalay kaas hebel diraacda bartan keedii kelmadaa muxuu ula jeeday oo kaalay taasna wuu daba dhigay iyo maanta yaanay kula dhaafin ee soo geed fadhiisi” sidaa waxaa iskula faqaya mid galac dhan oo ciir ah soo dhamay burcadna madaxa soo marsaday, hadaad miyiga tagteen xiliga barwaaqada duhurka dabadiisa tuuladii aad u soo shir tagtay makhaaxayada heedu way haawanayaan ragii oo dhami way ka baxeen waxay fadhiyaan dhirta tuulada ka baxsan waxaa loo garnaqayaa laba nin ama laba kooxood oo isku haya waxaan waxba ka biirayn oo waliba ku heeshiin la oo mar marka qaarkood gaadhaya in hubka laysu soo qaato oo lays dilo laakiin maxay kuugu taala bilo yar kadib waxaad arkaysaa dadkii caykaa ahaa oo wada xusul duuban oo ka sheekaynaya geelii wuu dhintay adhiigii isaga haba inagu soo qaadin iyo hayadahaa deeqaha bixiyoow na soo gaadha “ in shakartum la asiidanakum wala in kafartum fa in cadaabii la shadiiid” hadii aad nimcooyin kayga ka mahad naqdaan waan idiin siyaadin hadiise aad nimcooyin kayga ka kufridaan cadaabkaygu aad iyo aad ayuu u daran yahay ilaahay ayaa sidaa ugu bayaamiyay adoomihiisa, taasina waa sabab kale oo ka mid ah asbaabaha abaaraha keenay ee aan waliba la dareensayn oo waa in marka nimcada la haysto ilahay la ilaawo oo marka xoolihii wadaa naxaan ee geelii idihii iyo riyihiiba dhalaan ee isku buuqaan sakadii ilahay ku waajibiyay bixinteeda diidaan inay bixiyaan kadib markay la wada qurux bataan ee qaalintii uu bixi is yidhaahdaaba go shaala huwato, marka niqmadu jirtana ilahay la xasuusto yadoo xasuustaa lala wadaajinayo bini adaam yar oo loola baxay deeq bixiye oo aan deeqdiisana la arag marka laga reebo galaamo galay cad ah oo la keeno marka guga bartankiisa lagu jiro ee abaartii laga baxo,… mahadnaq la,aan..
Xaga magaalooyinka waxaa ka taagan asbaabaha ugu badan ee keenaya in naxariista ilahay fogaato oo dhacanto waxaa aad loogu tubanayaa cadaaladii maalin walba waxaa dhacaya dhaar been ah iyo markhaati beenaale maalin iyo habeenba waxaa soconaya duudsiga dhaca iyo boob ka dadka ka jilicsan dhan uun intaa waxaa lakala tirsanayaa xaraan cadaan ah waxaa socda boob cad oo lagu wado xoolihii dad waynuhuu wada lahaa haday yihiin agoomaha iyo danyarba iminkana waxaa loo furtay shirkado xukumadu ka danbayso oo waxaa lala soo baxay oo la bilaabay in dadka laftisii la qasho oo laga ganacsado jidhkiisa sida in dhawaydba dalka oo dhan laga dareemay, waxaa debeda loola soo baxay fusuqii iyo macaasidii, diinta ilaahay intaa waa la baranayaa oo lagama jaahil aha hadana waxaa lala dagaalamayaa ku dhaqankeeda,xasadku iyo xiqdu faraha ayuu ka baxay oo cidna cidkale waxba uma ogala cidii ilahay wax siiyo loo hanayn mayo ee waxaa lala wada madoobaanayaa xumaan iyo xaasidnimo hada yadoo aan wax dhib ihi cidna ugu jirin, hadana waxaaba loo badheedhsan yahay dagaal ilahay waxaa la rabaa in si cad loo banaysto ribadii ilahay ku goodiyay hadii la cuno in la fisho dagaal ilaahay hadda waa dagaal ilaahay waxaa loo ololeynayaa in laga ansixiyo golayaal ku sheega aan waxba diidin ee dhankii loo duwaba aan diiday odhanaynin haday kaasna ogaladaan xaalku wuxuu noqonayaa wixii hore bikh iyo ta danbe ayaa daran allahu maa balaqtu, hadii aan laga joogi inta la bad qabo oo lagu sii adkaysto ku xadgudub xuduuda ilahay walaahay bilaahay ibtilaa dhici doonta abaaraa iyo oodo lulul ayaa laga hadlayaaye waxaa la arki doonaa masiibooyin aan laga soo waaqsan iyo rogmad bal ila dhowra , waxaa oo dhamina waxaay ku suntan yihiin abaaraha muuqda abarahaa ka hooseeya ee sababay.
Allaa mahad leh
Qalinkii: maxamed cabdilahi nuur (Komati)