Roobab laxaadleh ayaa todobaadkaniba ka da’aayay bariga iyo koonfurta gobolka Maroodi jeer sidoo kale waxa ay roobabku ka curteen  gobolka Daad madheedh  iyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Togdheer, waxana xiligani la odhan karaa abaartii ka jirtay qaybo ka mid ah dalka in ay jabtay.

Roobabkani oo below ah ayaa kii ugu weynaa waxa uu helay oo mudo badan ka da’aayay inta u dhaxaysa bariga Hargeysa iyo xuduuda gaar ahaan Labisagaalo ilaa Diinqal oo dhacda bariga Hargeysa taasi oo ay roobabku raacsanyihiin xuduuda inta ka hoosaysa ee gobolada Daadmadherdh iyo Togdheer, goobahaasi oo ay abaaruhu ka taagnaayeen.

Dhanka kalana waxa barwaaqo iyo ay xareedo jiifaan gobolada galbeedka Somaliland oo aanay ka jirin wax abaar ahi waana wax Ilahay loogu mahad naqo