Abiy Axmed oo war hor leh ka soo saaray colaadda Tigray

Rai'sul wasare Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday guddi wadahadal nabadeed la yeelan doono hoggaamiyayaasha jabhaddaTigreega si xal loogu helo dagaalka sokeeye ee 19 bilood ka socda waqooyiga dalkaasi.

Toddobada xubnood ee guddiga waxaa guddoomiye u ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonen, halka xubnaha ay ku jiraan taliyaha sirdoonka iyo la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii Wasiirka Cadaaladda Gediwon Timothios, oo sidoo kale xubin ka ah guddiga, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo ee talada haya uu dhigay habraacyo lagu raadinayo xal nabadeed oo laga gaaro colaadda gobolkee Tigree.

Dhanka hogaanka TPLF ilaa iyo imika ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan guddigan wadahadalada ee ay dowladda magacawday.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen madaxwayne ku xigeenka xisbiga Adam Farax iyo wasiirka cadaalada ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Dr. Gideon Timothy, waxa ay dowladda go’aansatay in xal nabadeed loo helo colaadda ka aloosan gobolka Tigray.

d

Sida uu sheegay Wasiirka Cadaaladda, Xisbigu wuxuu go’aamiyay in wada-hadallada nabadeed loo qabto si waafaqsan dastuurka iyo maslaxadda aasaasiga ah ee dalka, isla markaana howshaas ay hormuud ka noqdaan Midowga Afrika.

Todobaadyo ka hor, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladdiisa ay daneyneyso in si nabad ah dagaalka lagu dhameeyo.

TPLF waxay horey u sheegeen in ay diyaar u yihiin wadaxaajood ay la galaan dowladda rai’sul wasaare Abiy Axmed.

Balse xoogagga TPLF ayaa soo jeediyay in wadaxaajoodyada ay gar-wadeen ka noqoto dowladda Kenya ,iyaga oo ku dhaliilay ururka Midowga Afrika in aanay waxba badan ak qaban dhibaatada taagan.

Waxay sidoo kale TPLF codsadeen in wadaxaajoodyada ay goob joog ka ahaadaan Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo dalka Imaaraadka.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo xoogagga TPLF ayaa socday muddooyiinkii u dambeeyay islamarkaana waxaa ku dhintgay dad badan.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay barakac baahsan oo ay Qaramada Midoobey sheegtay in malaayiin qof ay ku qaxeen.

Dowladda Itoobiya ayaa markii hore diidanayd in wax wadaxaajood ah ay al gasho xoogagga TPLF taa badalkeedana waxa ay qaaday dagaal ka dhan ah kooxda.