Dhanka bidix Adan Omar Dayuur

 

 

Allah how naxariiste Maxamed Xaashi Diiriye Lixle oo ka fadhiistey shaqadii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo abaabuul ka wada gudaha magaalada Hargeysa iyo Burco ayey isku xidhmeen mujaahidka dabadeed markii la ogaadey inu Lixle joogo Hargeysa ayaa lagu qariyey guri adeerkey aabahay walaalo yihiin oo ku yaalla xaafada Waraaba Salaan ee u dhow xaafada Aw Aadan geerash adeerkey hadda wuu dhintay Allah how naxariisto waa Cabdilaahi Xuseen Diiriye (Cabdilaahi Cawar).Markii muddo bil iyo xoogaya ayaa la damcay in la talaabiyo Lixle iyo pilot Xayd oo ahaa pilot-kii Gaani oo iska baxsaday shaqadii ciidamada isna uu ku dhuumanaayo markaa Hargeysa halkaa sheekadu markey mareyso ayaa nin waliba ka baqay in uu gaadhigiisa ku talaabiyo labada mujaahid inta dabadeed adeerkey Cabdilaahi Cawar iyo Aadan Cumar Daayuur ayaa go,aan ku qaatey in gaadhiga Adan lagu talaabiyo darawalkii waxa looga dhigey inaadeerkey Carab Afweyne oo maanta nool dabadeed kaarto ayay adeero iyo mujaahid aadan sameeyeen gaadhigii land cruiser waxay ka buuxiyeen cows xoolaad Lixle iyo pilot Xayd waxay ku mataleen odayaal reer miyi oo xoolaha ka shaqeeya warqad dhaqdhaqaaqi xoolaha Berbera ka dhoofayana wey qaateen oo waxay tusayeen kaantaroolada iyo weliba askarta siinayey maraaduuf jaada iyo stick yo sigaar bensala ka dibna waxay Hargeysa ka baxeen 8:00 habeenimo iyagoo maray wadada berbera waxaaney gaashamo gaadheen salaadkii subax horteed iyagoo nabad qabaa,wakhtigaas ninkastoo isaaq ahi wuu ka baqay inu talaabiyo waayo waxay ahaayeen niman wanted oo aad loo deydayaayey isago weliba gaadhiga mujaahid Aadan noqonayaa gaadhigii koowaad ee ugu hor talaaba.

Gaadhigaasi Adan Cumar Dayuur waxa uu ahaa gaadhigii ugu horeeya ee Tikniko ah ee qori la saaro ee ay SNM yeelato.

Alle ha u naxariistee muj. Adan waxa halgankii qadhaadhaa kaga baxay laba wiil oo halgankii ku shahiiday kuwaasi oo ka mid ahaa ururkii SNM garbkii hubaysnaa

Marxuunka oo lahaa taariikh balaadhan waxa shalay lagu aasay magaalada Hargeysa ee Somaliland oo uu ka tagay dal xor ah oo shaqaynaaya, taasi oo qayb ka ahayd himilooyinkiisi

Qalinkii Abdirahmaan Ali Tows