Aduunka dalalka ka jira Dal kastaa wuxuu leeyahay maalin xurmo, xaqdhowr iyo xiiso leh oo ugu xardhan baal dahab ah, oo ah maalin qaran, oo loo asteeyey maalin, loo dabaaldego Dalka oo qaranku ama Dalku leeyahay,

Haddaba Jamhuuriyada Somaliland maalinta Qaranku uu leeyahay waa 18-MAY taas oo sanadkasta la qabto dabaaldeg lagu durbaan tunto ama loogu hargo tunto Maalintii qaranka oo ah taariikhdii markii la calan sudhay ama la calan saaray Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland oo ahayd 18 May 1991, waa xuskii sanad guuradii 31aad, oo ku began Arbacadan inagusoo fooda leh ee 18-05-2022 haduu eebe idmo, ilaahay samo haynagu gaadhsiiyo oo samo haynagu waarsiiyee.

Waxa ka socda magaalooyinka Dalka tabbaabulshihii iyo diyaar garawga xuska maalinta Qaranka, waxa se muuqda sanadkani in aanu lamid ahayn xusaskii 18-May ee sanadadii hore, Maxaa yeelay dalka sanadkan waxa ka jira kala fogaan shacab, muran sharci, guux iyo gurxan siyaasadeed oo farxadii iyo niyad sanaantii lagu wajihi jiray maalintan qaaliga ah Waxaad moodaa inay kala dhantaalantay muranka siyaasadeed ee ina soo foodsaaray awgeed.

Sanadkan 18-May waxa lagu dabaal degayaa kala qaybsanaan Shacab, iyada oo la iclaamiyey taariikhda markii ugu horaysay abid in aanay Xisbiyada qaranka Somaliland iyo Taageerayaashoodu meel kuwada dabaaldegidoonin waana Runtii wax laga xumaado, waxa layidhi geel duqbaa loo tumaa Dalka madaxweynaha ayey ahayd in uu isku keeno Dadka, Se waxa aad moodaa inuu isagu Kala irdhaynaayo, waana wax laga xumaado oo cawaaqub xumo laga dheefi karo, waayo yaalaa bisha May reer Somaliland Maysan jaafaajirqi jirin oo shucuubtooda waxa wada saaqi jirtay wadani nimo, Dabaaldeg, farxad iyo midnimo, laakiin Sanadkan weynu silownahay Illaahay ha inoosahlo Xisbigii Kulmiye oo mudo xileedkiisii gaabaabsi yahay oo bilo u hadheen, isna waxa uu noqday tabtii Doqontii hadhuudhka ridiqday ee midhkii ugu danbaysay ka kacday, Sanadkan waxa ay u eegtahay in Madaxweynaha iyo xukuumadiisa iyo TVga qaranka oo kaliya ay Madaxtooyada ka dhex dabaaldegayaan oo saxaafadii madaxa banaanayn ee Reer Somaliland iyo xisbiyadii qaranka lasoo casuumahayn oo Maalintii qaranka ee Midnimada lamuujin jiray sidii maamul goboleedo iyo Dowlad DEGMO Dalka looga dabaaldegaayo, Gooni Gooni iyo tafaraaruq, waa dhacdo ugub ah oo aad iyo aad looga uurxumaado,

Waxa se isweydiin Mudan hadii Maalintii qaranka ee farxada, damaashaadka iyo midnimada sida Ciid loo wada dabaaldegi waayey oo lagu kala irdhoobay xuskii maalinta Qaranka oo sida muuqata xukuumaddii Dalka ka masuul ahayd samo talin iyo waanwaan aanay wadin, ku jiqsii mooyaane, taana waxay qarankii Somaliland iyo Madaxweynaheenii Mudane Muuse Biixi Cabdi ku maseysay Geela Duqdiisu durduriso aarankiisana Maxaad u malayn, waayo waa madaxweynihii Dalka waa odaygii qaranka haduu dhaadiwaayey dhumucda, qiimaha iyo sharafta ay 18-May qaranka u leedahay oo isagii oo Madaxweyne ah uu soo hordhigi kariwaayey xisbiyadii qaranka, oo uu odhan kariwaayey bi’iwaaya waa Maalintii qaranka ee kaalaya aynu meel kuwada dabaaldegno oo meel kuwada arinsano, Runtii Madaxweynahay nusqaan ku tahay oo ah odaygii qaranka iyo Madaxweynihii qaranka Somaliland, Madax meel kasaraysaa ma jlrtee, haduu duruuftan qalafsan ee ina asiibtay Maalintii qaranka hadii uu Afka ka taago, oo Xukuumadiisa Kulmiye u qorsheeyo xus 18-May iyaguun u gaar ah!, Waa ayaandaro ee allow sahal amuuraha Siday noqon adaa oge Aamiin.

Waa 18—May ee 31 Guuro Wacan.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

 

 

Maqaalada shabakadani ku soo baxaa waa aragtida iyo fikrada akhristaha oo qudhaata