Afar Arrimood oo u sahlay William Ruto inuu ka adkaado Qoysaska caan ka ah ee u talin jiray Kenya

William Ruto

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa maanta go’aamisay in doorashadii dhacday 9-kii Agoosto ay natiijadeedu sax tahay, uuna William Ruto yahay Madaxweynaha dooran ee dalka.

Ruto ayaa loollan adag la galay raysul wasaarihii hore Raila Odinga oo taageero buuxda ka helayay madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta.

Uhuru iyo Raila ayaa labaduba ka soo jeeda qoysas sanado badan u talinayay Kenya, waxaana Kenyatta uu ahaa Madaxweynihii koowaad ee waddanka, halka Jaramogi Odinga uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee dalka.

Haddaba maxaa u sahlay William Ruto inuu doorasho uga adkaado raggan ay aabbeyaashood soo talin jireen? Sababaha loo tiiriyay guusha Ruto waxaa ka mid ah:

Kenya la wada leeyahay

Ruto ayaa ololihiisa doorasho xoogga ku saaray doodda ah in Raila iyo Uhuru ay doonayaan in talada Kenya ay ku koobnaato gacmaha qoysaska talin jiray, isla markaana aanu boos uga bannaaneyn dadka sidiisa oo kale ah.

Madaxweynaha dooran ayaa iibiyay feker ah in dadka “la harjadaya nolosha” ay yihiin kuwa leh go’aanka lagu dooranayo madaxda Kenya.

“Waxa uu muujiyay inay la tartamayeen Raila, Uhuru iyo Gideon Moi oo dhammaantood ay aabbeyaashood hoggaamin jireen Kenya, halka isagana uu yahay nin shacabka caadiga ah ka soo dhex baxay oo si weyn u garanaya baahidooda,’’ ayuu yiri Daahir Qoriyow oo si weyn ula socday arrimaha doorashada Kenya.

Waxa uu Daahir intaa raaciyay in Ruto uu ololihiisa si weyn ugu aaddiyay beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Kenya, kuwaasoo leh codadka ugu badan.

Raila, Uhuru iyo Ruto

Ku dhex jirka dowladda

Ruto ayaa bishii Maarso 2013 loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, xilligaas oo uu doorashada madaxtinnimada ku guulaystay Uhuru Kenyatta. Labada nin ayaa xilligaas wajahayay dacwad ku aaddan dembiyo ka dhan ah aadanaha oo ka socotay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 2017-kii, Uhuru iyo Ruto ayaa mar labaad loo doortay hoggaaminta Kenya, balse bilooyin kaddib, labada nin ee muddada saaxiibbada ahaa ayaa kala booday, kaddib markii uu Uhuru la heshiiyay Raila bishii Maarso 2018-kii.

Heshiiskaas dhexmaray Madaxweynaha iyo ninka uu xifaaltanka siyaasadeed kala dhexeeyay ayaa horseeday in Ruto uu noqday nin lagala wareegay inta badan mas’uuliyadda go’aan gaaridda.

Ruto ayaa si cad u sheegay inuu diiddan yahay heshiiskii “gacan-qaadka” ee dhexmaray Uhuru iyo Raila, isagoo sheegay in aanay meelna kaga jirin dimuqraadiyadda in la “sasabo” cidda laga guulaystay.

“Ruto waxa uu diidday inuu iska casilo xilka madaxweyne ku-xigeenka, taasina waxa ay u sahashay inuu xog wanaagsan ka helo laamaha dowladda, isla markaana uu sheegto guulaha la laaban karo ee ay gaartay xukuumadda uu hoggaaminayay Uhuru Kenyatta,” ayuu yiri Dahir Qoriyow.

Dhaqaalaha

Xilli dhaqaalaha Kenya uu wajahayo caqabado badan, ayna shacabka intiisa badan xamilli la’ yihiin sicir-bararka sarreeya, ayaa William Ruto waxa uu ololihiisa ku galay ballanqaad ah inuu awood dhaqaale siin doono dadka ugu saboolsan dalka.

Waxa uu sheegay in ninka la tartamaya aanu hayn qorshe cusub, balse uu yahay “mashruuc uu dalka ku sii xukumi rabo madaxweynaha xilka ka degaya.”

Balse, Ruto ayaa isbahaysiga la tartamayay kala kulmay dhaleeceyn ah inuu yahay nin “musuqmaasuq badan ku lug lahaa” isla markaana aan lagu aamini karin dhaqaalaha Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in xilka dalka uusan ku wareejin doonin “tuugo”, hadalkaas oo loo fasiray inuu ula jeeday isbahaysiga uu hoggaamiyo William Ruto.

Is-dhigashada Raila

Qaar ka tirsan dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Raila Odinga uu is dhigtay, isla markaana uusan samayn olole ballaaran, wuxuuna ku tiirsanaa xogta uu ka helayo hay’adaha dowladda ee taageerayay murashaxnimadiisa.

“Raila waxa uu aaminay in xukuumadda Uhuru Kenyatta ay si buuxda u taageersan tahay oo uu heli doono codad ku filan oo uu ku guulaysan karo.

Dhanka kale, Ruto oo ah nin 55 jir xooggan ah, waxa uu ololihiisa ku tegay guud ahaan dalka, taasina waxa ay u sahashay inuu ballanqaadkiisa si toos ah ugu sheego shacabka,” ayuu ku dooday Daahir Qoriyow.

William Ruto ayaa lagu wadaa in xilka madaxtinnimada loo dhaariyo 13-ka bishan.