Afar calaamadood haddii aad indhahaaga ku aragto booqo dhakhtar

Muraayadaha indhaha

Intee in le’eg ayaa laga joogaa markii kuugu dambeysay ee aad booqatay dhakhtarka indhaha?

Dr. Mark T. Dunbar, oo loo aqoonsaday mid ka mid ah dhaqaatiirta indhaha ee ugu fiican Ameerika ahna agaasimaha adeegyada indhaha ee Basquim Palmer Eye Institute ee Jaamacadda Miami, ayaa ku talinaya in qofka ay tahay in qiimayn iyo baaritaan uu indhahiisa ku sameeyo sannad kasta.

“Xaaladaha qaar, waxaad samayn kartaa baaritaannada iyo qiimeynta labadii sanaba mar laakiin sida ugu habboon waa inay ahaataa mid sanadle ah,” Dunbar ayaa sidaasi u sheegay BBC.

In kasta oo ay muhiim tahay in aragga wanaagsani leedahay, haddana waxaa jira qaar badan oo naga mid ah oo iska indha tiraya caafimaadka isha, sababtoo ah waxaynu u malaynaynaa in aynu arag wanaagsan leennahay ama mar uun aynu u baahannahay in aynu soo qaadanno muraayadaha indhaha. Markaa u tag dhakhtarka indhaha ka dibna isaga go’aan ha ka gaaro waxa aad u baahan tahay.

“Kuweenna lahaa arag wanaagsan nolosheenna oo dhan ma qadarin,” ayuu yiri Dunbar. Ma aha wax aan caadi ahayn in aan aragno dad da’doodu u dhaxayso 40 ama 50 jir oo aan waligood baaris ku sameyn xaaladda indhahooda.’

Sida ay khubarradu sheegeen, kakanaanta xubinta sida isha bani’aadamka oo kale awgeed, waxa fudud in aynaan dareemin isbeddellada qaarkood, sida in waxoogaa isbeddel ah oo ku yimaado tayada aragga labada indhood ama guud ahaan aragga oo xumaada.

“Haddii aadan cusboonaysiin baaritaannada iyo muraayadahaaga, waxaa laga yaabaa in si fiican aadan wax u arkin,” ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya bukaannada xirta muraayadaha.

Dr Dunbar wuxuu faahfaahin ka bixiyay calaamadaha qaar ee tilmaamaya inay tahay waqtigii la booqan lahaa dhakhtarka indhaha, ama marka ugu horreysa ee aad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso muraayadaha indhaha.

indha xanuunka

Aragtida oo kugu adkaata markaad gaari kaxeynayso

Sida laga soo xigtay Dr Dunbar, ‘Marka aad si lama filaan ah isku daydo inaad akhrido calaamadda taraafigga oo aadan arki karin ilaa aad u dhawaato, taasi badanaa waa calaamad digniin ah.

Sida kamarada oo kale, indhahaagu waxa ay u baahan yihiin in ay eegaan iftiinka si ay si cad wax ugu arkaan.

Marka aad qabto dhibaato aragga, iftiinku waxa uu diiradda saarayaa xagga hore, kaas oo kaa qarin kara walxaha fog, sida calaamadaha waddooyinka.

Marka xaaladdan aad ku jirto wadidda gaariga waxay noqon kartaa mid adag, gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Muraayadaha indhaha wax uma qabtaan oo kali ah indhaha, balse waxay hagaajiyaan gelitaanka iftiinka, waxa ayna si sax ah ugu qaybiyaan iftiinka dusha sare ee isha.

Waxaa intaa dheer, tignoolajiyadda cusub ee lenska-ka- waxay kaa caawinaysaa iftiinka si aad si caadi ah wax ugu aragto.

qofka laga baarayo indhaha

Inay kugu adkaato in aad aragto sheyga kugu dhow

Haddii ay kugu adag tahay inaad akhrido buugaag ama akhrido shaashadda taleefankaaga, xitaa iyadoo muraayadahaagu kuu xiran yihiin, tani waa calaamad muujinaysa inaad u baahan tahay in laguu qoro murayado cusub.

Presbyopia, ama aragtida dhow, waxay dhacdaa marka aynu waayeel noqonno, taas oo adkeynaysa in diiradda la saaro walxaha u dhow isha.

Dr. Dunbar wuxuu farta ku fiiqay in laga yaabo in caafimaadka isha uu wanaagsan yahay, laakiin dhibaatadu meesha ay ka jirto ay tahay iftiinka.

Muraayadaha ama ookiyaalayaasha ayaa saxa dhibaatadan waxayna ka ilaaliyaan isha culeyska soo fuula marka aan isku dayno inay wax akhriyaan.

.

Aragga is bad-baddala xilliga maalinkii

Haddii aad aragto in araggaagu isbeddelayo maalinta oo dhan, tani waxay noqon kartaa calaamad kale oo aad u baahan tahay inaad bedesho muraayadahaaga indhaha.

Dr. Dunbar waxa uu sheegayaa in sababta ugu weyn ee tani ay tahay murqaha isha oo daala.

Haddii aad isha ku eegto hal meel muddo aad u dheer, sida marka aad ku shaqaynayso komtutarka, waxaa laga yaabaa in indhahaagu daalaan oo awooddaada diiradda ayaa laga yaabaa inay yaraato.

“Marka aad samaynayso wax aad dhab ahaantii xoogga saarayso, sida ka shaqaynta kombuyuutarka, ama daawashada filimada, ama akhrinta buug, heerka libiqsigaaga indhaha- ayaa hoos u dhacaya, laga yaabee caadiyan in uu kala bar hoos u dhaco .

Way ka sii darnaan kartaa, haddii aad indhahaaga ciriiri geliso, aad isku dayayso inaad la qabsato iftiinka, indhahaagu waxay ka baqayaan culayska oo way ka sii dari doonaan dhammaadka maalintaa.

Haddii ay arrintu sidan tahay, waxa laga yaabaa inay tahay waqtigii aad booqan lahayd dhakhtarka indhaha si xaaladdaada loo eego.

qof eegaya muraayadaha indhaha

Isbaddal ku yimaada mid ka mid ah indhaha ama labadaba

Isbeddel lama filaan ah oo ku yimaadda aragga hal ama labada indhood waxay calaamad u noqon kartaa in wax ka sii daran uu soo socdo.

Sida laga soo xigtay Dr. Dunbar, ‘Haddii aadan si cad wax u arki karin, waxay noqon kartaa mid fudud sida beddelka muraayadahaaga ama ookiyaalahaaga, laakiin xaaladda sidaasi way ka sii darnaan kartaa.’

Tusaale ahaan, luminta aragga muddada-gaaban waxay noqon kartaa calaamadda caadka, taas oo, sida uu Dr. Dunbar u sharraxay, ay ku keeni karto dhibaato aragga , oo ay xitaa kugu adkaato baabuur-wadidda habeenkii, iyo inaad si wanaagsan wanaagsan wax u eegto.

‘Tignoolajiyada aan maanta haysano, qalliinka nooca loo yaqaanno cataract waa mid sahlan wuxuuna qaataa 15 daqiiqo,’ ayuu yiri khabiirku.

Xaaladaha aadka u daran, caafimaadka indhaha ayaa sidoo kale caawin kara in la ogaado dhibaatooyinka halista ah sida sonkorowga iyo dhiig karka, kuwaas oo keeni kara isbeddel ku yimaada xididdada dhiigga ee isha.

“Dhammaan kuwani waa sababaha loogu talinayo in dadka si joogto ah loo baaro indhahooda, ma aha oo kaliya inay helaan aragtida ugu fiican, balse ay la socdaan caafimaadak indhahooda.”