Afriki waa meesha qudha ee kuwa hagrada loogu hiiliyo,

Danta guud waxa horumarin kara, qof fahamsan in horumarka tiisu qayb ka yahay horumarka guud oo hagaaga, dunida saddexaad waxa habsaamiyay masuuliyiin maqluubka u shaqaynaya kuwaas oo xillalka danta guud u fahmay meel xoolo laga tabco.
Guri cad, gaadhi cad iyo gabadh cad ayaa loo ordayaa, waxa adag in la helo qof intaa ka koran, qof ay damqayso dayaca, daalka, diihaalka yo duruufaha adag ee dadkiisu deriska kula yihiin nolosha, kuwa tirada yar ee isku daya halganka in la saxo waa laga xan qarsadaa, waxa abuurmo kooxo riyada nolosha run mooda kuwaas oo ku mama ka macaashka danaha guud, waa arxan laawayaal aan jiidh damqadaa ku ool.
Nin abaar ku geediya
Haddaad oolin kari waydo
Iska aamus baa kaaga roon
Waxaad ogayd sheeg.
Bani’aadamku hadduu waayo xeer qabta ama akhlaaqdiisu dabri waydo, waa run oo wuu beloobaa
Haddaan diini kaa celin
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa xejaa jirin
Dadku waa belaayee
Afriki waa meesha qudha ee kuwa hagrada loogu hiiliyo,
Alloow gurmadkaaga, amiin
Waxa qoray, Abdirashid Belel
May be an image of 1 person and text