Agaasimaha Daakhiliga oo soo Gabogabeeyay Shirka Guddida Farsamo ee Maamul Daadejinta Degmooyinka
Burco(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ku soo xidhay shir muddo laba cisho uga socdey Guddida farsamada ee mashruuca Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG.
Shirkan ayaa mudadii uu socdey lagaga sooday horuumarinta Arrimaha Bulshada, sida Biyaha, caafimaadka, waxbarashada, degaanka iyo dhammaan baahiyaha kala dewan ee taabanaya Arrimaha Bulshada.
Waxaana shirkan ka soo qaybgalay guddida farsamada oo ay mid yihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha ku jira mashruuca maamul Daadejinta iyo qaar mid ah maayorada dalka.