Al-Qaacida oo shaacisay Muuqaal uu duubay hoggaamiyahoodii la aaminsanaa in la dilay, Ayman Al-Azawaahiri

Ayman al-Zawahiri,

Al Qaacida ayaa sii deysay muqaal 35 daqiiqo ah oo ay kooxda sheegtay inuu duubay hogaamiyahooda Ayman al-Zawahiri, kaas oo la rumaysan yahay in lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday bishii Ogosto ee sannadkan 2022. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Wakaaladda Wararka ee Rueters.

Codka ma lahan wax taariikh ah, halka qoraalka kor saaran uusan si cad u tilmaamin wakhti saxda ee qoray.

Zawahiri ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay dalka Afgaanistaan, taasoo ah dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta kooxda xagjirka ah tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii.

Zawahiri waxa uu dhuumaalaysi ku jiray sanado badan, hawlgalka lagu soo helay laguna dilayna waxa uu ka dhashay “taxaddar, dulqaad iyo joogtayn” oo ay sameeyeen bulshada la dagaalanka argagixisada, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.

Al Qaacida ma aysan magacaabin cid bedeli doonta. Laakiin Saif al-Adel, oo ah sarkaalkii hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar, xubin sarena ka ah Al Qaacida, ayay khubaradu u arkaan inuu yahay musharaxa ugu sarreeya.

Siduu u dhacay dilkii Al-Zawahiri ee uu Mareykanka shaaciyay?

Saraakiisha Mareykanka ayaa bishiii Ogosto ee sannadkan sheegay in Zawahiri uu taagnaa balakoonka ku yaalla guri amaan ah oo uu ku noolaa.

Si lama filaan ah ayay diyaarad nooca uusan duuliyaha saarnayn ah – oo loo yaqaanno drone – ugu tuurtay labo gantaal.

Wararka ayaa sheegaya gantaalka uu si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan.

Goobta waxaa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-Qaacida kaligiis ayaana ku dhintay halkaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Amar uu bixiyay Joe Biden

Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah oo ay Mareykanku fuliyeen lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri.

Waxa uu sheegay in uu isagu fasaxay howlgalka oo Sabtidii ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

Biden ayaa sheegay in Ayman al-Zawahiri uu si qota dheer ugu lug lahaa weerarradii Mareykanka laga fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii, kuwaasoo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareyknaka ayaa intaas ku daray in dilka al-Zawahiri uu war fiican u yahay qoysaska dadkii lagu dilay weerarrada.

Biden oo sanadkii hore ciidamada Mareykanka kasoo saaray Afghanistan ayaa ku adkaystay in waddankaas uusan waligiis mar dambe goob ammaan ah u noqon doonin kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, afhayeenka kooxda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in Mareykanku uu duqayn diyaaradaha drones-ka loo adeegsaday ka fuliyay xaafadda Sherpur ee magaalada Kabul, oo ay meel shacabku daggan yihiin.

Maxaad ka taqaanaa Ayman al-Zawahiri?

Ayman Al-Zawahiri iyo Usaama Bin Laden

Ayman Al-Zawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaad-doonka ah ee gudaha Masar.

Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Cusaama Bin Laden, uuna wax badan ka abuuray fikradda uu ku dhisnaa ururka Al-Qaacida.

Al-Zawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaamacadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dhakhtarnimada ee qalliinka guud.

Ayman al-Zawahiri waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka keenay fikraddii lagu aasaasay shabakadda Al-Qaacida.

Waxa uu ahaa dhaqtar u dhashay waddanka Masar, markii dambena waxa uu ka mid noqday xubnaha sar sare ee kooxda Al-Qaacida, oo gacan-saar la leh ururro badan oo Islaamiyiin ah.

Xabsi ayaa la dhigay 1980-meeyadii kaddib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu ku lug lahaa koox mintidiin Islaamiyiin ah.

Waddankiisa wuu ka tagay markii laga sii daayay xabsiga, waxa uuna durbadiiba ku biiray kooxaha xagjiriinta Jihaad-doonka ah ee caalamiga ah.

Ugu dambayntii waxa uu saldhig ka dhigtay Afghanistan, waxa uuna ku biiray ciidan uu aasaasay taajirkii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jiray Cusaama Bin Laadin, kaasoo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Al-Qaacida.

Iyagoo wadajir ah ayay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Mareykanka, waxayna abaabuleen weerarradii la fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii.

Toban sano ayay qaadatay in lagu guulaysto dabagalkii lagu sameeyay Cusaama Bin Laadin oo ugu dambayn ay Mareykanku dileen 2011-kii.

Xilligaas wixii ka dambeeyay Al-Zawahiri ayaa hoggaanka u hayay Al-Qaacida, balse dhif ayay ahayd in uu muuqaal kasoo muuqdo ama sawirradiisa la helo.

Marar kooban ayuu soo diri jiray farriimo ku socda arrimo khaas ah.Mareyanka ayaa dhimashadiisa u arka guul wayn oo usoo hoyatay, maadaama ay ciidamadooda Afghanistan kala soo baxeen saadkii lasoo dhaafay.

Shaki kuma jiro in uu soo bixi doono hoggaamiye cusub oo ay yeelato Al-Qaacida, balse waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid ka saamayn yar ninka uu baddalay.