Amiirka Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo cashar lama filaan ah u dhigay madaxweyne Joe Biden

Joe Biden oo booqasho ku tagay Sucuudiga
Joe Biden oo booqasho ku tagay Sucuudiga

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay hadalka madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan dilka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa sheegay in dilka weriyaha uu ahaa mid nasiib darro ah.

Wuxuu intaa ku daray in Sucuudiga uu qaaday tallaabooyinka adag oo ka dhan ah dilkii Khaashuqji.

“Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay in khaladaadka noocan ah ay ka dhacaan dalal badan sida Mareykanka, Mareykanka wuxuu galay khalad, wuxuu tallaabo ka qaaday kuwa dambiyada galo isla markaana wuxuu ka shaqeeyaa sidii loo sixi lahaa khaladaadka, Sacuudiga Carabiya waa dal mas’uul ah wuxuu qaaday taallaabooyin adag oo lamid ah kuwaas” ayuu yiri Feysal Bin Farxaan.

Wuxuu intaa ku daray in Maxamed Bin Salmaan uu Biden kusoo hadal qaaday dilka ay u geysteen ciidamada Israa’iil weriyihii ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera iyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan dilka weriyaha.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay Biden in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay qiyam udub dhexaad u ah mabaadii’da dalka Islaamiga ah iyo dhaqanka carbeed.

Wuxuu u sheegay Biden, “Waxaa muhiim ah in arrimaha qiyamka lagu soo hadal qaaday kulanka balse ha isku dayin in qiyamkaaga aad marsiiso dadka kale, haddii aad sameyso arrintaas saameyn xun ayaa ka dhalan kartaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu soo hadal qaaday dilka weriyihii Sacuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji xilli uu kulan la yeeshay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Biden oo booqasho ku joogo Sucuudiga, wuxuu doonaya inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeyo dalkaas.

Biden wuxuu horey u ballaan qaaday in Sucuudiga uu noqon doono waddan ‘ la fogeeyay’ kadib diiwaankiisa arrimaha xuquuqul insaanka.

Biden ayaa sheega in Maxamed Bin Salmaan uu caddeeyay dilka weriye Jamaal kaas oo lagu dilay sanadkii 2018 qunsuliyadda Turkiga ee Sucuudiga,