Writen by Qaran News |

Nayrobi,(Qaran-news)- Amina Waris oo aha afada madaxweyne Siilaanyo isla markaasna ah shaqsiga ugu awooda weyn xukumadda Siilaanyo, ayaa socdaal rasmi ah ugu baxday dalka Kiiniya, wararka socdaalka ee marwada ayaa sheegaaya in socdaalka xiligani ee marwada uu ka danbeeyo socdaal ay hore halkaasi ugu tageen wafti uu hogaaminaayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu xagaasi kula kulmay hay’adha deeq bixiyayaasha is waraysi dheer kadibna uu gudoomiye Muuse sheegay in marwada madaxweyne Siilaanyo ay dalka xukunto oo talada dalka ay iyada ka go’odo taasina ay hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland ay marti qaad rasmi ah u direen kana codsadeen in ay timaado dalka Kiiniya oo ay xaruntoodu tahay.

Amina Waris oo dalka dhuumasho kaga soo baxday ayaa maalinta bari ah kulamo xaasaasi ah la yeelan doonta hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah safaaradaha dalalka daneeya Somaliland isla markaasina ka caawiya doorashooyinka, dadalka deeqda bixiya ayaa gabi ahaanba jaray dhaqaalahii ay ku caawin jireen xukumadda Siilaanyo, taasi oo daba socotay kadib markii doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaa dhowr jeer hadba dib ay xukumaddu u riixdo.

Lamana garan karo in dalka laga qaadi doono cuna qabatyanta dhaqaale ee ay saareen hay’adahii iyo dalalkii Somaliland caawin jiray kuwaasi oo ay ku jiraan dalalkii lacagta tooska ah ku shubi jiray aynduuqa Somaliland Fund.

Xaalada abaareed ee dalka ayaa maraysa xagii ugu xumayd mana jirto is xil qaan xoogan oo ay xukumaddu saarto sidii ay ugu gurman lahayd dadka ay abaarahu wax yeeleeyeen ee gobolada bariga iyo badhtamaha Somaliland, waxna gaabis ka muuqdaa gudiga abaaraha Somaliland oo loo tirinaayo kuwo dhinac ka raran oo gaabis ah.