Aniga ayaa awooddii Dawladnimada haya ee yaa wax I ga qaadi kara weeye,Tafsiir kale ma jiro Sidaasuna dantiisa u arkay……Maxamed Haaruun

Muuse Biixi, iyo Maxamed Kaahin, iyo inta qorshahooda ku raacsan, ee Dr Gaboose u horeeyo, waxa ay ku doodayaan, Madaxweynuhu sharciga ayuu ilaalinayaa. Madaxweynaha laftiisa ayaa dadkii u tegay oo dhan ku soo yidhi anigu sharciga ayaan ku taagnahay oo cidna la hadli maayo, cid na dhex galaysa aniga iyo mucaaridku na ma jirto. Sharciga uu leeyahay waan ilaalinayaa waa midka sheegaaya in ururada la furo tobankii sanno ba mar, waana xeer baarlamaanku sameeyay. Sharci distoori ah oo waajibinaaya qabashada doorashada distooriga ah ee madaxweynaha, oo ka soo horaysa midda ururada ayaa jira, Muuse iyo inta raacsani na in taas la jabiyo oo la is ka garab maro waa is ku raacsanyihiin. Hadaba, marka la yidhaahdo madaxweynuhu xeer buuu ilaalinayaa, mid ka sii weyn na wuu duminayaa, maxaa caqligaas la gu sheegi karaa? Anigaa kuu sheegaaya waxa la gu sheegaayo – aniga ayaa awooddii dawladnimada haya ee yaa wax I ga qaadi kara weeye. Tafsiir kale ma jiro. Sidaas buu dantiisa u arkay, kuwa u sacbinayaa na sidaas ayay dantooda u arkaan, waxa se ceeb ah in ay si xishood la’aan ah u gu andacoodaan in sharcigii la ilaalinaayo. Somaliland cidda xumaynaysa waa loo wada jeedaa ee yaan hadhaw la gu murmin cidda eedda leh imikaba.