Aqoonyahanka Awdal iyo Madaxweyne Muuse.

Waxa kulan iskugu yimiday aqoonyahan la soo xulay iyo Muuse Biixi oo Qalinjabinta Jaamacada Camuud yimiday. Aqoonyahanka ay dowladu soo xulatay waxa ku jiray dad badan oo aan waaqaca dalka la socon, iyo intii wax fahmaysay oo Makarafoonka laga ilaalinayay.
Markii aan dhagaystay kelmadii madaxweynaha waxa uu labo goor ku celiyay in uu cabsi wayn ka qabay markii loo sheegay in uu aqoonyahanka gobolka la Kulmayo, laakiin aanay dhicin siduu filayay.
Hadaba Madaxweynuhu Muxuu ka filayay ee Cabsida ku dhalisay:-
1. Waxa uu ka baqayay in wax laga waydiiyo Madaxweynuhu isaga oo og in balanqaadyadii uu gobolka Awdal u qaaday aanay Fulin 100% oo ay ka mid ahaayeen Dhismaha Garoonka diyaarada Borama, Dhismaha Dekado yar yar oo Lughaya iyo Saylac laga hirgeliyo, dhismaha Jidka Lowyacado ilaa Boorama, kor u qaadida mansabyada iyo matalaada Siyaasadeed iyo mashaariico Horumarineed oo Muuse uu balanqaad cad ku sameeyay fagaaraha Boorama doorashadii 2017kii.
2. Aqoonyahanka oo ah dadka ugu xog ogaalsan oo uu ka filayay in ay dalka wax badan ka waydiiyaan, oo ay ka midka tahay muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo sababta uu doorkiisa madaxweyne u qaadan waayay ee uu dhinaca ka soo horjeeda ula fadhiisan waayay inta uu idaacada hortooda ka dhaliilayo sida ay hooyadiiba u sheegtay.
Hadaba labadaas qodob oo uu madaxweynuhu cabsi uga qabay kulanka aqoonyahanka ayaan sidaas u dhicin. Ma jirin wax laga waydiiyay xaalada dalka iyo balanqaadyadii aan fulin ee uu gobolka Awdal u balanqaaday. Runtii kulankaasi waxa uu ahaa kulan aan lagu sheegi karin kulan Aqoonyahan ee uu ahaa kulan cid gaar ah oo dowlada dano gaar ah ku qabta ama aan runta ka hadli karin la iskugu keenay, shakhsiyaadka wax fahansanaana makarafoonka laga ilaaliyay.
Kulankii waxa uu ku soo dhamaaday shan saacadood oo Shir ah oo aan waxba ka soo bixin iyo Casho La’aan hoolka lagaga soo baxay markuu dhamaaday xili dambe.
W/Q: Cabdirashiid Cabdi Jaamac
Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Waddani.
May be an image of 2 people, people standing and eyeglasses
Abdirahman fantastic