Aragti Siyaasadeedka Dr. Gaboose Maxay u Guulaysan Weyday.

Bilawgii qarnigan 21aad waxaan xoghayn ka ahaa anigoo arday ah ururkii Sahan ka hor intii aanu ku keliyaysan Dr. Gaboose. Ururka Sahan waagaa wuxuu kulmiyey afar kooxood oo ay ka mid ahaayeen ururkii Islaamiga ahaa oo ay horkacayeen Dr. Gaboose iyo Professor Maxamed Cumar Jiir, urukii Badbaadadda Sland oo uu gudoomiye ka ahaa Maxamed Cabdi Iskeere – AHUN, koox la baxday dib-u-habayntii SNM oo aan ka xusuusto Madaxweynaha Sland ee hadda – Muuse Biixi, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Abiib Timacad iyo koox afraad oo la baxay siyaasiyiinta madaxa banaan oo aan ka xusuusto Cali Waracade. Intan oo dhami waxay iska bahaysanayeen ururkii Udub oo uu markaa gudoomiye ka ahaa madaxweynihii wakhtigaa Cigaal AHUN.

Dr. Gaboose ilaa waagaa buu han madaxnimo lahaa, khilaafkii ku yimi ururkii Sahanba wuxuu ka dhashay markuu Dr. Gaboose caddeeyey damaciisii uu rabay inuu ururka Sahan madax ka noqdo, ka dibna ay si qaawan ula dagaalameen rag ay hormood u ahaayeen Muuse Biixi iyo Abiib Timacad.

Sidaa awgeed, laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa iminka waxaan si dhaw ula socday aragti siyaasadeedka Dr. Gaboose, waxaana ii muuqday qodobo loo aanayn karo sababta ay u hanaqaadi weyday aragti siyaasadeedka digtoorka.

Qodobka koowaad, aragti siyaasadeedka digtoorku waa mid aan dhab ahaan u fahmin waaqaca siyaasadeed ee ka jira Somaliland, waad la yaabi kartaa, waxaan se ku siinayaa tusaalayaal kuu iftiiminayaa arrintaa. Aragtida digtoorku marna laabta umay sii dayn inay deegaan gundhig ka dhigato, maadaama nidaamka xisbiyeed ee Sland ka jiraa aanu xambaarsanayn mabaadi ama aragtiyo, marnana muu kasban ama si dhamaystiran isumay fahmin digtoorka iyo waayeelka deegaanka uu salka ka dhigan lahaa. Dhanka kale, si fiican ugama wada guurin nidaamkan xisbiyadu deegaanka dabada gelinayaan, oo isuma dhigin nin deegaan gaar ah ka maarmay, lamana iman aragti iyo hal-abuur cusub uu bulshadda Sland si wadajir ah uga iibin karo, sidii uu yeelay Duqa Hargeysa – Cabdikarim Axmed Mooge markuu sharaxnaa.
Tusaale kale, aragti siyaasadeedka digtoorku waa tii 2012kii oo la hirgeliyey inaan xisbiyadda siyaasaddu sadex keliya u xidhnaan, dimuqraadiyadda Sland geysey oo ku aastay xabaalaha Maka Durduuro, 2022kii oo dalkuba rabitaan ku shaqeeyo, sharcigiina u muuqdo mid dhan la isaga leexiyeyna urur u furtay oo u soo dimuqraadiyad doontay.

Qodobka labaad, aragti siyaasadeedka digtoorku waa mid aan adkaysi iyo dulqaad lahayn. Siyaasaddu waa hawl adag oo u baahan Samir iyo shaqo joogto ah oo aan laga daalin. Ha yeeshee, aragtida digtoorku waa mid suurta oo maalinta fursad u muuqato oo keliya siyaasadda soo gasha inta kalena ka dhex baxda. Tusaale ahaan, markii u dhacay ururkii Sahan, ka dib markuu taageerayaashiisii meel ku wareejiyey, digtoorku siyaasadda kama soo muuqan, waxaan dib loo arkay markii Madaxweyne Rayaale wakhtigu ka sii dhamaanayey oo uu la yimi aragtidii uu ku dhisay ururkii Qaran, una halgamay inaan xisbiyadda siyaasaddu sadex keliya u xidhnaan. Mar kale, markii uu hadhay ururkii Ummadda, oo sidoo kale taageerayaashii wareejiyey dib buu u suuray wax ku dhaw muddo toban sanno ah, wuxuuna dib u soo toosay markii ay muuqatay fursadda furashada ururaddu, isagoo weliba bulshadda la wadaagay inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda. Aragtidda siyaasadeed markay hiigsi leedahay waa inaanay marna ka dhex bixin hawlaha siyaasadda, isla markaana waa inay mar walba qayb ka ahaataa jilayaasha siyaasadda, fursaddana waa inay ka dhex raadisaa ku jiritaanka iyo la noolaanshaha siyaasadda oo ay adkaysi u yeelataa isbedelka waayaha siyaasadda.
Qodobka sadexaad, aragti siyaasaddeedka digtoorku waa mid godoonsan. Siyaasaddu kama maaranto bulsho iyo inay xidhiidh joogto ah la leedahay dadka, gaar ahaan kuwooda saamayn siyaasaddeed leh. Maadaama aragtida siyaasaddeed ee digtoorku soo toosto, keliya maalinta ay fursad aragto, inta kale bulshadda xidhiidh lama laha. Aragtidani waa aragti aan dadku qiimo la lahayn, una aragta maalinta loo baahan yahay in la isticmaali karo, laakiin inta kale aan waxba ku darsan, metelin, u doodin aadna u soo dhexgelin.

Qodobka afraad, waa aragti siyaasaddeed aan fadhiyin oo meel loogu soo hagaagaa jirin. Tusaale ahaan, waa aragtida mar aaminsan in nidaam doorasheedka dalku yahay sawir iyo humaag dad gaar ahi ku shaqaystaan, dadkana been loo jilo, haddana waa isla aragtidaa mar walba urur u soo samaysata nidaamkaa aanay rumaysnayn. Waa aragtida aaminsan in xisbiyaddan deegaanadda dabada geliyey ay curyaamiyeen nidaamkii dimuqraadiyadeed ee Sland, haddana waa isla aragtida rabta inaan deegaan gaar ahi xisbi waayin oo cidla ku dhicin. Waa aragtida aan siyaasadda si dhab ah ugu wada jirin oo waayaheeda u sabrin, ama aan si dhab ah uga wada bixin.

Qodobka Shanaad, aragti siyaasaddeedka digtoorku waa aragti qof ka bilaabanta oo qof ku dhamaata, inta badan ma arkaysid siyaasi weyn, ama madax-dhaqameed iyo dadka kale ee saamayn siyaasaddeed leh oo si joogto ah uga ag muuqda digtoorka. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa nin keligii tashaday waa nin orgi rartay.

Ilaa shan qodob oo kale baan xusi karaa, laakiin qormadda oo dheeraatay darteed, baan intan ku gaabsaday. Digtoorka qofnimadiisa Sharaf iyo imxtiraam baynu u haynaa, ha yeeshee xaq baynu u leenahay inaan wax ka iftiimino aragtiyaha siyaasaddeed ee raba inay metelaan masiirka nolosheena.

Mukhtar Xaji Cabaydh