Writen by Qaran News |

“ARAGTIDAYDA BUUGGA GEEDDIGII CABDI-QAYS HORE NA LUUGU YAQAAN DARMAAN IYO DALXIIS.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

Buugga daabacaddii koowaad ku soo baxay magaca DARMAAN IYO DAL XIIS sannaddii (2014) oo uu ururiyay Maxamed Cismaan “Ugaaska” Tarmintii labaadna ku soo baxay magaca Geedigii Cabdi-Qays gu’gan aan ku jirno (2019) oo uu ururinta ku qoran yahay Cali Guray.

Waxa aan ka mid ahaa dadkii ballaysinkii buugga waxa ka ogaa, idil ahaanna marxaladihii kala geddisanaa ee buuggu maray goob-joog u ahaa. Maantana wuxuu Alle igu simay muddo kaddib buuggii oo magaciisii iyo ururiyihiisii ba is-baddaleen iyo wali ba khaladdo farsamo oo dhacay. Sidaa darteed, waxa qormadan aan idin kula wadaagi aragtidayda iyo sida ay wax u dhaceen. Aniga oo aan ka warwarayn qof baa kugu nici iyo mid kale ayaydin isku waayi midna ayaan siday iila muuqdaan wax u sheegi doonaa.

Run ka sheegga iyo ka garnaqa dhacdooyinka nololeed ee waayaha ee Alle innagu simaa waa waajib. Anna kama dhago-adaygi karo sida hal-abuur door ah oo inta xaajadan aan ka ogahay dhiggeed ka og. Kuwaas oo wax ay dhawrayaan ba ka waji-dadbay in ay ka run sheegaan duudsi ay goob joog ka ahaayeen sidii uu u dhacay. Caddaaladda iyo kasmada wanaagsan ba waxa ay inna farayaan in haddii ay arrin isku qabtaan Keenna ugu sharafta badan iyo ka innuugu liita sharaf ahaan in marka arrintu joogto garnaqooda kaliya la eego uun arrinta dhextaal ee ay isku hayaan ee aan la eegin sida ay u kala meeqaam sarreeyaan. Sidaas oo kale ayaan aniguna qormadaydan aniga oo arrinta eegaya oo aan qofafka eegayn waxa aan ku xusi doonaa;
● Qorshihii daabacaadda labaad ee Djibouti ee khilaafka dhaliyay.
● Kaalintii buugga ee Ugaaska iyo waxa seegay,
● Doorkii buugga ee Cali-Guray iyo waxa seegay,
● Abwaan Cabdi-Qays maxaa seegay?
● Hal-abuurka maxaa seegay?
● Shirkaddii daabacday buugga maxaa seegay?
● Aniga oo Cabdinaasir ahna maxaa i seegay?

QORSHIHII DAABACAADDA LABAAD EE DJIBOUTI EE KHILAAFKU KA DHASHAY?
Shirkii labaad ee lagu jaan-goynayo hannaanta daabacaad labaad luugu samaynayo buugga abwaanka ayaan goob-joog u ahaa, wuxuu ka qabsoomay guriga Call Cabdi Faarax. Waxa goobta joogay siyaasiyiin, ganacsato, aqoon-yahan iyo saraakiil ciidanka Djibouti ka tirsan.
Sida iiga baxday sheekadii markaa la hayay kulankii iga horreeyay oo usbuuc laga joogo ayaa lagu qorsheeyay in tirada buugga looga daabacayo abwaanka oo lagu sheegay (10.000) meesha laga samaynayo daabacaddaan labaad iyana waxa la Isla af-gartay in ay noqoto “Machadka afafka iyo cilmi-baadhista ee Djibouti”

Waxba yaan ku sii dheeraane guud ahaan wax yaabaha kulannadaa la iskula qaatay waxa ay u qaybsamayeen saddex qodob oo kala ah:
● Sidii buugga loo daabaci lahaa,
● Sidii Djibouti luugu bandhigi lahaa,
● Sidii loo suuq-geyn lahaa.

Shaqooyinka markii la qaybsaday hawsha xidhiidhka iyo daba galkana loo xilsaaray nin Caddaani la yidhaa oo markaa ahaa la taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore ee Djibouti.

Shaqada kaliya ee abwaanka”Cabdi-Qays” loo diray waxa ay ahayd in uu buugga oo PDF-ah ka soo qaado Maxamed, nasiib-darro Cabdi-QAYS iyo Maxamed is-maan-dhaaf baa ka dhex dhacay.

Halkaa marka ay marayso qolyaha madaxda ah ee reer Djiboutina dooddoodu tahay KUN nuqul oo buugga daabacaddiisii hore ah Maxamed abwaanka shilin kama siin, haatanna daabacaadda labaad ee abwaanka loo samaynayo ayuu hortaagan yahay oo abwaanka waxba uma ogola. Runtaa dadka arrintaa ku jiray marka gees loo dhigo in ay daacad ahaayeen waxa aan iyana meesha ku jirtay in ay arrimaha qoraalka waxba kala socon. Sidaas oo ay tahay mararka qaar go’aanno degdeg badani ku jiro ayay qaadanayeen. Halkaa waxa aan uga jeedaa way kala basrin kari lahaayeen abwaanka iyo Maxamed, has a yeeshee taasi cakiskeeda ayaa dhacday oo way sii kala fogeeyaan.

Ugaasku haddii uu il-duuf sameeyay waxa uu ahaa mid lexo-jeclo sababtay aqoonta aan qof ahaan u leeyahay waa nin gobonnimooyin badan leh hasa ahaayee bakhaylnimo waa iinta kaliya ee aan ku aqaan. Diidmada uu abwaanka PDF-ka u diidayna waxa Cabdi-QAYS galisay cadho laxaad leh.

Halkaa waxa ku hakaday hawshii dardarta lahayd ee daabacaadda labaad ee buugga DARMAAN IYO DALXIIS Cabdi-Qays na waxa uu u soo socdaalay Hargeysa.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo Djibouti aan diyaarad ka soo wada raacnay iskuna kursi xignay waxa aan uga warramay halka ay wax marayaan in uu arrintaa dhex galo marka aan Hargeysa gaadhno.

Cabdi-Qays markii uu Hargeysa yimid ee PDF-kii gacantiisa galay waxa ku dhalatay in buugga daabacadda labaad laga wareejiyo Maxamed oo Cali Guray lagu wareejiyo.

KAALINTA UGAASKA EE BUUGGA CABDI-QAYS IYO WAXA SEEGAY
Maxamed muddo afar sanno oo wax la jiraan ah ayuu ku mashquul sanaa ururinta suugaanta iyo sooyaalka abwaanka qar iyo buur ba waa u koray ciddii luugu sheego in ay wax uun ka hayso suugaanta Cabdi-Qays. Hayaankaa rafaadka badan waxa ka dhashay in shaqadii Ugaasku midho-dhasho oo buuggu October. 2014 ifka u soo baxo.

Meesha kama saari karo in Ugaasku buugga magac iyo manfac ba u galay waana wax iska caadi ah. Maadaama maansooyinka buugga uu ku qoray ay boqol iyo dheeraad ahaayeen garashadaydu marna ba meesha kama saarayn in magaca Ururinta oo xuquuqdiisa ka mid ahayd gabi ahaan ba laga tirtiro.
Hadda haddaan u nimaad jawaab u helista su’aasha ah maxaa seegay Ugaaska?
Waxa at ila tahay ila tahay in ay Ugaaska seegeen in markii Djibouti la joogay uu yeelo sida uu abwaanku dan moodo kuna taliyo. Waxa aanan ku rajo weynahay in aanu Cabdi-Qays dheefta buugga ka soo baxda waxba ka yeesheen Ugaaska.

DOORKII BUUGGA EE CALI-GURAY IYO WAXA SEEGAY
Cali shaqada uu buugga ka qabtay aniga oo aan asaraar galinayn maansooyinka cusub ee aan Ugaasku buugga daabacaddii hore ku darinna og haddana sidaas oo ay tahay kaalintiisu waxa ay noqonaysay dib-u-habayn taasi oo aan u dhigmayn ururin. Horta labadooda midna qoraa maaha laakiin ogaalkayga waxa ay kala qaadanayaan, Ururintii Maxamed iyo Dib-u-habayntii Cali.
CALI GURAY MAXAA SEEGAY?
In uu mahadnaqa ku xuso Maxamed kaalintiisa shaqo ee buugga una daayo magacii ururinta. Isna uu qaato shaqada iyo magaca dib-u-habaynta. Taasi oo ah waxaanan iska odhanayne aan ku jaan-goynaya qaddarka shaqada buugga gashay iyada oo 100 maanso iyo wax la jira uu Ugaasku soo ururiyay 20 na Cali Guray.

CABDI-QAYS MAXAA SEEGAY?
Aniga oo ixtiraam iyo sharaf badan ba u haya Cabdi Aadan Xaad haddana waxa qabaa in aan nin habari dhashay hal seegi waayin. Sidaa darteed abwaanka waxa seegtay in aanu nabarka korka ka dhayine cid nasteex ah oo aan garabkan Cali Guray na ahayn, Ugaaska aan la safnayn oo dhex dhexaad ah in uu arrinta kala tashto dabadeeday qiimeeyaan mugga tacabka buugga galay, nooca khaladdada ku jira, sida dib luugu habayn karo iyo inta dhiman ee lugu dari karo. Ugu dambaynna ay uga talo-bixiyaan sidii loo kala xadaynayo shaqooyinka iyo kaalmaha ay kala leeyihiin Ugaaska iyo Cali Guray.

HAL-ABUURKA MAXAA SEEGAY?
Ragga ay ka mid ka yihiin Qoraa Boobe, abwaan Shaacir iyo abwaan Weedhsame oo saddexdoodu ba meesha ka hadlay iyana waxa seegay in ay xusaan kaalintii iyo shaqadii Ugaasku buugga ku lahaa taasi oo aan filaayo in aanay Cali Guray raali-geliseen. Hasa yeeshee, run qadhaadh oo loo baahan yahay ahayd. Haatanna way u furan tahay in shaqada buugga u kala madeeyaan labada qof ee kala ah Ugaaska iyo Cali Guray oo haddii u arkaan in Cali madihii ku soo xad-gudbayo runta u sheegaan.

SHIRKADDA DAABACAADDA EE SAGAL JET MAXAA SEEGAY?
Guddoomiye Cabdi Yuusuf Aar gef aad u weyn oo khayru-masuulnimo badani ka muuqato ayuu sameeyay markii uu bixiyay xuquuqdii “Soft copy-gii” uu Ugaasku u dhiibay wali ba xataa isaga oo aan ogaysiin.
Halkaana waxa ka muuqatay in uu yaraystay Ugaaska marka loo eego ragga “PDF-ka” ka soo doonay oo dhammaantood ahaa rag magac leh hasa yeeshee, arrintu mid dhaqan ma ahayne waxa la gudboonayd in uu yidhaa waxani shaqadayda ayay dhaawacaysaaye ii kaadiya aan Ugaaskii la tashtee.

Khaladkan mid ka weyn oo shirkad wax daabacdaa gabi ahaan ba gali karto anigu ma garanayo.

ANIGA OO CABDINAASIR AH MAXAA I SEEGAY?
Waxa anigana I seegtay qoraalkii aan bartayda Facebook ku baahiyay ee labada saddar ahaa aanan ku sheegayay in Cali Guray gafaf waaweyn galay uu ahaa gabi ahaan ba mid aan ku dagdagay. Qofkii ugu horreeyay ee arrintaa iga la hadlaana wuxuu ahaa Xuseen Badhaani oo ah nin aan saaxiibo iyo ilmaad ba nahay kaasi oo igu yidhi, way kuu furan tahay in aad buugga Gorfeyn ka samaysaa laakiin qoraalka sidan u kooban ee aan caddaymaha wadan waa khalad. Anna waan ka garaabay oo qoraalkii wax baan ka baddalay caawana waanigaa xusay in midkaasi I hoos maray.

MAHAD ALLE IYO MAGAN ALLE.