Qoraalkani macno ka weyn inta muuqata ayaa uu leeyahay…
1. Diblumaasiyadda laguma degdego in la sheego hadalka la is dhaafsaday oo caddaan ah, haddii aan laga baqanayn in dhinac qariyo ama duwo waxa la is yidhi. Laakiin Safiirku waxba muu qarin.
2. Safiirku qoraalka kama uu bilaabin inuu ka warramo ‘inay wada hadleen madaxweynaha’ ama warka uu u socday inuu inoo sheego oo ah in ay wada hadleen.
Balse waxa uu ku bilaabay inuu inoo sheego mawqifkiisa oo ah ‘waxa uu madaxweynuhu awood u leeyahay in uu sameeyo, ee dabcan ay tahay in uu fuliyo.
In safiirku aanu soo hadal qaadin dhinaca kale ee arrintu khusayso, waxa ay ina tusaysaa in uu qabo in ugu yaraan wejiga hore ee hawshani ay madaxweynaha kelidii u taallo, fulinteedana aanu cid kale la sugin, ‘kala durkinta ciidamada Laascaanood iyo doorashada’. sida laga fahmayo qoraalka safiirka.
Waxay ahaan jirtay in la yidhaahdo ‘Dhinacyada ay khusayso ama xisbiyada isla meeldhiga waqtiga doorashada. Iyo waa in labada dhinac ciidamada kala durkiyaan.)
3. Safiirku waxa uu si dadban u sheegay in madaxweynuhu aanu la qabin fikirka ah in uu labadaas qodob horta dhinaciisa uun ka fuliyo, waayo waxa uu yidhi waxa aan ku dhiirrigeliyey in uu labada arrimood fuliyo. Taas oo macnaheedu yahay in isaga doodiisii aan la dhegeysan, loona sheegay wax kala ha dambeeyaan ee horta samee labadan arrin oo adiga kugu xidhan .
4. Diblumaasiyadda lama sheego qaabka kalan ee loo wada hadlay, haddii aanu xidhiidhku xumayn. Tusaale ahaan iyada oo si qallafsan loo dooday ayaa la yidhaahdaa, ‘Si niyadsamaani ku jirto ayaanu u wada hadalnay, ama qodobbadii aanu isla soo qaadnayna isfaham ayaanu ka gaadhnay’’.
5. Ereyga uu isticmaalay danjiruhu ee “Frank” ayaa isaguna kakan, waayo macnihiisu waa “In qofka loo sheego run qayaxan oo aanay gabbasho ama wax la hadhis ku jirin, xitaa haddii uu qofkaasi ka xumaanayo ama aanu ka raalli ahayn sida hadalkaas loogu yidhi’ waxa ay ka dhigantahay in in la yidhaahdo si qaawan ayaanu u wada hadalnay.
Marka aan soo ururiyo warkayga, hadalka safiirka Maraykanku waxa uu muujinayaa:
1. In labadan qadiyadood uu Maraykanku kaga aragti dywan yahay Madaxweyne Biixi, doonayan in ta Maraykan la raaco,
2. Iyo in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee dalkiisa iyo Somaliland uu xaalad adag marayo.
May be an image of text that says 'U.S.EMBASSY Mogadishu U.S. Embassy Mogadishu, Somalia @US2SOMALIA #Somaliland President Bihi has the power to create distance between forces in Lascanood & announce a roadmap for future elections. During a frank conversation with him this afternoon, I encouraged him to do both.- Ambassador André'
Qore kamaal marjaan.