Askari Soomaaliya ka soo dagaalamay oo hadda iska xaadiriyay Ukraine

Askari u dhashay Kuuriyada Koonfureed

Nin horey uga tirsanaa ciidammada badda Kuuriyada Koonfureed isla markaana noqday Youtuber kaas oo halis u galay in xabsi la dhigo xilli uu doonayay in uu ku biiro dagaalka Ukraine ayaa sheegay in dambi ay aheyd in xirfaddiisa uu adeegsan waayay in uu dadka ku caawiyo.

Ken Rhee, oo ah sarkaal hore oo qaabilsanaa dagaallada gaarka ah ayaa iska diiwaan geliyay safaaradda Ukraine ee Kuuriyada Koonfureed, waxay ku beegneyd maalintii madaxweynaha Ukraine uu codsi u jeediyay caalamka in uu u helo dad si iskood isku soo xilqaamay si ay ugu soo biiraan jiidda hore ee dagaalka ee Ukraine horraantii bishii March.

Ken Rhee wuxuu hadda ka hor kasoo shaqeeyay Soomaaliya isaga oo ka tirsanaa ciidammada gaarka ah ee Soomaaliya u diray Mareykanka. Wuxuu sidoo kale haystaa dhalashada Mareykanka.

Muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed looma oggola inay u safraan Ukraine. Rhee oo dhaawacmay xilli uu tababar gaar ah ku bixinayay Ukriane markii uu kusoo laabtay Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa garoonka kula kulmay 15 askari oo boolis ah.

Askarigan hore ee caanka ah, wuxuu leeyahay bar Youtube ah, waxaana bartiisa ku xiran 700,000 qof, wuxuu inta badanaa soo dhigaa halkaas muuqallo uu uga hadlayo khibraddiisa dagaalka Ukriane, bartiisa Instagram-ka ayaa sidoo kale caan ah , wuxuu sheegay in uusan ka qoomameynin tallaabooyinkaas.

“Adiga oo maraya xeebaha tusaale ahaan waxaad aragtay qof biyaha ku qarqamay, ma dambi baa inaad caawiso qof sidaas ah” ayuu yiri Ken Rhee oo u warramayay wakaaladda wararka ee AFP.

Rhee waxa uu ku dhashay Kuuriyada Koonfureed balse waxa uu ku soo barbaaray Maraykanka. Waxa uu dhiganayay machadka militariga ee Virginia waxa uuna qorsheeyay in uu ku biiro ciidamada badda Mareykanka ee SEALS, balse aabbihii ayaa ku qanciyay wiilkiisa in uu ku laabto Kuuriyada Koonfureed si uu ugu biiro ciidamada dalkiisa.

 Waxa uu ciidan ahaa muddo toddobo sano ah, waxaana uu dhowr jeer ka soo shaqeeyay aagagga dagaalka ee Soomaaliya iyo Ciraaq ka hor inta uusan sameysan shirkad qaabilsan adeegyada militeriga.

Dhibaatadii uu kala kulmay Kuuriyada Koonfureed

Falcelin badan ayaa ka dhalatay muuqaalladiisa taxanaha ahaa ee uu kaga sheekeynayay dagaalka Ukraine, wuxuu sheegay in shacabka Kuuriyada Koonfureed ay ku dhaleeceynayeen sababta uu u jebiyay sharciga dalkaas uu muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed ka mamnuucayay inay ku biiraan dagaalka Ukraine.

“Waxay aheyd arrin lama filaan ah, shacabka Kuuriya, waxay igu dhaleeceeyeen tallaabada aan ku jebiyay sharciga” ayuu yir Rhee.

 Maalintiisii ​​ugu horreysay ee uu ku sugnaa jiidda hore ee Irpin ee Ukraine, wuxuu sheegay in uu goob joog u ahaa dambiyada dagaal ay ciidamada Ruushka ka geysteen halkaas.

“Waxaan arkay qof shacab ah oo rasaas lagu furay, wuxuu kaxeynayay baabuur, horteena ayuu ku dhintay, waxaa ii caddaatay in dambiyo dagaal ay ka socdeen halkaas”

 Tababarkiisa milatari awgeed, Rhee waxaa loo sheegay in uu samaysto koox u gaar ah, sidaas darteed waxa uu qoray dad si iskooda isku soo xilqaamay e oo khibrad dagaal leh , sidoo kale wuxuu sameeyay koox qaabilsan hawl-gallada gaarka ah oo heer caalami ah.

“Qorigaygu waxaa laga keenay Czech Republic, waxaan haystaa gantaal Javelin ah oo ka yimid Maraykanka, waxaan haystaa gantaal laga keenay Jarmalka … laakiin ma jiro mid laga keenay Kuuriya,” ayuu yiri Rhee.