Askarigii Jabhad soonoqda Maxaa uga yaala aduunka?.

Aduunku waa goob lagu kala war iyo waayo Aragnimo qaato, dhigaalka Taariikheed wixii dhacdooyin soomaray, ee Aadamaha soo asiibay, waana tay Dadkeenii hore u Dhaqan ahayd hadii xaajo ugub ahi lasoo deristo, waxay raadin jireen Cid xaajadan oo kale la kulantay ama soo wajahday, si ay uga dab qaataan wixii ayku maareeyeen, hadii se la waayo, waa xaajo ugub ah ayaa lagu jaan-goon jiray, iyada oo wixii lagu xaliyo diwaanka la gelin jiray si aayaha Danbe u noqoto xeer la adeegsado.

Haddaba sidoo kale ayaa aduunku Xeerar laga dhigtaa dhacdooyin soo maray, waxaana ka mid ah sida hadii ruux Askari ah uu Jabhad noqdo in aan jabhada dabadeed, xil sare iyo xil maamul loo igman, waxaana lagu nisbeeyaa Askarinimadu waa xirfad Amar iyo sharci ku haganta oo amar lagugu siinkaro dil, oo aadan odhan karin maxaan ku dilaa, hase yeeshee haduu Askarigii Jabhad noqdo waxa uu noqonayaa Dabar goosad aan waxba xakamayn karin waxna laga dhaadhicin karin, sidaa awadeed ayaa aduunka Dalalka wax DHugta ee DHaada ee SHarciyada Dadka Dhaqa DHigta ee DHitaysta aanay u dhiibin ruuxa Askariga Jabhadka soo noqday, Jago shicib uu Madax ama maamule ugu noqonkaro, iskadaa Wasiir Arimo Gude iyo dabad, in laga dhigo, madaxa guud iyo Madaxweyne iyada taa warkeeda daa!.

Waxa taa loogu qiil dhigay, Bal Sooyaalka taariikhda Dunida aynu tusaale ahaan did u halacsano, wax la koobi karo maaha ee Bal Xusuus cayiman daymo Dib u jaleecno, Madaxweynihii (Cuba) Kuuba (Fidel Alejandro Castro), Fiidal Alikhaandaro Kaastaro wuxuu Kuuba ku qabsaday waan usoo dagaalamay oo uu u haystay intuu kursiga ku guud dhimanaayey, iyana Itoobiyadan dariskeena jabhadkii Meles isna waakii kursiga wadkii uun ka dejiyey se aafaduu ka tagay waata weli dirrirta iyo duqayntu yeedhayso, Askarinimana Ina Siyaad Barre Soomaalida ibtiladuu u gaystay iyo eedaadkuu baday, waata weli lagasoo kaban la’yahay, koronkoraduu aasay, Ugxantii Kacaankiyo Askartuu Ababiyeyna inkastoo Mujaahid iyo Madax Qaran laga dhigtay waa kuwaa xeerarkii uu ka tagay Kacaankii wariye ILIG, suxufiyiintii uu ku jiray ku qaaday, dalkeena oo dumuqraadiyana siyaasiyiintii axsaabta Madheera ku xaraystay!, waxa se Ummadu dhowraysa suxufiyiintii, waatii Xeerkii Kacaanka, jeelka ugu naggaan waayeen ee uu Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi Cabdi uu Tabtii Cumar Iid uu yidhi igama qudhunto igama gubato ee ooda kasoo qaaday!, Bal Tolow Muwaadiniinta Axsaabta Qaranka muxuu odhan Kornaylku qodob axsaabta qaranka dareenkooda cabiraysa lagu maxkamadeeyaa majiro, Xeer jacburkii Kacaanka ee Askari kufay ku qosle oo kale mooyee, dunidaaba yaaban oo iyana Naawilaysa madaxda Axsaabta waxa lagu maxkamadeeyo, ee Bal aynu eegno taa kaadi badane waa loo gogol badiyaaye!.

Waxa iyana sidoo kale ammakaag iyo afkala qaad noqotay wixii kasoo yeedhay wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Kornayl Maxamed Kaahin goobtii bandhigii Buuggii Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Illaahay ha u naxariistee Marxuun Cabdi-Raxmaan Axmed Cali, Kornayl Maxamed Kaahin isaga oo Ummada Qaranka Somaliland u ah Wasiir Mucaarad iyo maxaafad, isaga oo degmooyinka Dalka u wada ah Wasiir, ayuu gole kaga baanay Waxaan ahay nin reer MAGAALO hebla ah hada waa Wasiirkii arimaha gudaha qaranka Somaliland, sawaxan kasoo yeedhay dadkii uu wasiirka u ahaa oo goobta kula sugnaa awgked, Halkuu shacabka uu xilka uu u hayo uu dulqaad iyo masuulnimo u muujin lahaa ayuu si cadho iyo hiifleh ugu qaadqaaday, kabasii darane Isaga oo goobtaa damcay inuu Toodhakh iyo faan ka marsado se deel qaaf iyo meel kaga dhac qayaxan u gaystay Degmadii Burco ee gobalka Togdheer, oo uu ku sheegey inay tahay goobta Buuqa, magaalo joogxumada iyo meel ka dhacu kasoo unkumo, waasida udhaahda Kornayl Maxamed Kaahin u dhignayde, se Hubaashii Burco waa Hooyadii Somaliland, hujuunkii xoraynta Somaliland waa magaaladii ugu horaysay ee halyeeyadu galeen, Burco waa halkii Jamhuuriyada barakaysan lagaga dhawaaqay ee lagu Dhidbay, waa halkay ku hano qaadeen Hannaddadii iyo Halyeeyadii magaca iyo maamuuska ku lahaa Somaliland, waa Hoygii Halyeeyadii Murtida iyo abwaanada Haybada iyo Hal-abuurka leh, waana Hoygii Hal-Qabsiga iyo af-gaar ah hindistay, Waa Degel Wanaag sharaf iyo karaamo loogu Hal qabsadaa, se xaashee meel ka dhac iyo xumo burco maaha meel lagu mooso, Kornayl Maxamed Kaahin xaal ha siiyo Burco, xaalna ha siiyo qaranka uu wasiirka u yahay ee uu Golaha kaga Ab-MAGAALO tirsaday!.

Hadal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland waxa ka jira Roob yaraan muwaadiniintii Banka Wajaale ee saaca yar yeeshay xoolihii la miciinsaday sidii Askartu u Gashay aduunkaa yaabay, iyada oo hada aduunka waxa keliya ee aynu u dhoofinaa duunyadaa abaaraysan ee saacii Askartu ka hor joogsatay ay tahay!, caasimadii biyo la’aan ayaa ka jirta, wadanka Sixir barar, miciishadii oo cirka isku shareertay, shiidaalkii oo kacay oo Gaadiidka dadweynuhu Markay is bixin kariwaayeen qiimihii kor u qaadeen shacabkii danyarta ahaa ee daalaa-dhacaayeyna goyn waayeen, laydhkii oo shirkadihii korantadu sheegeen in ay bakhtiinayaan oo Dalku mugdi gelaayo shidaalka qaaliga noqday ee aan isbixinahayn awgii, se waxa wax laga yaabo ah in xukuumadeena Somaliland iyo Kornaylada inoo madaxda ahi ay warkaaba qabin oo ay ku Mashquusan yihiin Madax-Dhaqameedka waxa ay kayeelayaan inay sida masuuliinta Xisbiyada Qaranka inay iyana Madheera u dhaadhiciyaan iyo siday u xakamayn lahaayeen!, Waa se ayaandaro inagu aynu dooranay waxa inagu fooraraa ileen aduunka Askarigii Jabhad soonoqda Jago looma dhiibo ee Jiif oo Jaq oo Jalbeebso ayaa layidhaahdaaye.

Dagaal Doqonbaa Rida Diracna wuu ku Dhintaa.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani waa fikrada qoraha kor ku xusan