Writen by Qaran News |

Askarigii ugu dambeeyay ee is dhiibay markii Japan laga adkaaday

Hiroo Onoda Dhexda) oo duurkii uu ku jiray ka soo baxay sanaddii 1974
Hiroo Onoda Dhexda) oo duurkii uu ku jiray ka soo baxay sanaddii 1974

Askarigii ugu dambeeyay ee is dhibay ka dib markii Japan looga adkaaday dagaalkii labaad ee aduunka ayaa ahaa Hiroo Onoda.

Onoda ayaa ugu dambeyntii hubkiisii wareejiyay bishii 9 bishii March sanadii 1974.

Waxaa uu ku dhuumanayay keyn ku taalla dalka Philippine muddo 29 sano ah.

Wareysiiyo iyo qoraalo laga sameeyay ka dib markii uu ku soo laabtay Japan ayaa waxaa uu sheegay Onoda in uu aqbali waayay in Japan dagaalka lagaga adkaaday.

Dad badan oo ku nool dibadda Japan ayaa waxay u arkaan qisada Onoda mid cajiib ah.

Balse boqortooyada Japan ayaa u aragta in ficiladiisa ay ahaayeen kuwa caqli gal ah.

Onoda waxaa uu u dhaartay in uusan is dhiibin islamarkana uu u dhinto boqorkiisa, balse taasi ma dhicin.

15 bishii August 1945, boqorkii sare ee Japan Hirohito, ayaa waxaa uu sameeyay wax uusan bqoor kale sameyn.

Waxaa uu idaacadda ka sheegay in hubka Atoomikada lagu burburiyay Hiroshima iyo Nagasaki.

Maalinkii Bamkii labaad ee Atoomikada lagu duqeeyay Japan ayaa waxaa uu Joseph Stalin ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Japan.

Islamarkiiba waxa ay ciidamada Soofiyeedka gaareen goobta lagu magacaabo Manchuria.

Muddo toddobaadyo ah gudahood ayaa waxay ka dagyeen jasiiradda ku taalla waqooyiga ee lagu magacaabo Hokkaido.

Boqorkii Japan Hirohito ayaa waxaa uu aqbalay in isu dhiibidda Mareykanka ay tahay khiyaarka kali ah ee u furan.

Burburkii Hiroshima ka dib markii hub niyukleer ah lagu weeraray
Burburkii Hiroshima ka dib markii hub niyukleer ah lagu weeraray

Khudbaddii is dhiibidda ma aysan dhicin islamarkana subaxnnimadii 15 August, koox askar oo dhalinyaro ah ayaa waxay isku gadaameen dhismaha qasriga boqortoyada.

Waxay askartaasi doonayeen in ay gacanta ku dhigeen khudbadda la duubay ka hor inta aan la baahin.

Waxay askartaasi rumaysnaayeen in Japan wali aan dagaalka looga guuleysan, islamarkana aan wali xitaa la soo galin dhulka Japan.

Ciidamadan ayaan xilligaa walaac badan ka qabin khasaaraha duqeynta Mareykanka ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku sugan magaalooyiinka Japan.

Balse waxay askartani diiradda saarayeen in boqortooyada Japan ay badbaado.

Saraakiishii da’a yarta ahayd ayaa se ku guuldareystay in ay joojiyaan khudbadii is dhiibidda ee uu boqorka jeediyay.

Balse way heleen wixii ay doonayeen, ka dib isdhiibidda ayaa waxaa ay Mareykanka go’aansadeen in Hirohito aan wax dacwad dambiyo dagaal ah lagu soo oogin.

Waxaa sidoo kale Mareykanka ay aqbaleen in boqor Hirohito uu xukunka sii joogo isaga oo daacad u ah Mareykanka.

Waxay arrintani tallaabo wanaagsan u ahayd Douglas MacArthur, oo ahaa janaraalkii Mareykanka ee xukumayay Japan tan iyo sanadii 1949.

MacArthur ayaa waxaa uu boqorka u isticmaalay ajandihiisa ahaa in dalka Japan loo badalo dimuqraadiyadda casriga ah islamarkana ay qaataan qaabka dastuurka Mareykanka.

Askartii Japan oo isu dhiibaysa Mareykanka 1945
Askartii Japan oo isu dhiibaysa Mareykanka 1945

Isbahaysigii dagaalkii labaad ee aduunka ku guulaystay ayaa maxkamadeeyay 28 shaksi oo uu ka mid ahaa xubnihii hogaaminayay Japan dagaalkii labaad ee aduunka.

7 sargaal oo uu ka mid ahaa rai’sul wasaarihii Japan Hideki Tojo ayaa la daldalay.

Balse waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo aan la maxkamadeyn, waxaana ka mid ahaa dhaxal-suge Yasuhiko Asaka, oo adeer u ahaa boqorkii Japan iyo waliba sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii Japan ee kufsigii arxan-darada ahaa ka geystay caasimaddii Shiinaha ee xilligaasi Nanjing.

In saraakiishaasi aan la maxkamadeyn ayuu u arkaa MacArthur tallaabo xun oo lagama maarmaan ahayd.

Qofka kale ee ka baxsaday in la maxkamadeeyo ayaa ahaa Nobusuke Kishi.

Kishi ayaa waxaa uu door hormuud ah ka qaatay qabsashadii Manchuria islamarkana waxay aad isugu dhawaayeen hogaamiyihii dagaalka Hideki Tojo.

Mareykanka ayaa waxay go’aansadeen in aysan maxkamadeyn, taa badalkeedana sanadii 1948 Kishi xabsiga ayaa laga siidaayay.

Kishi ayaa hasa yeeshee laga mamnuucay siyaasadda intii uu Mareykanku haystay Japan.

Balse sanaddii 1955, Kishi ayaa waxaa uu asaasay xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabi jiray – the Liberal Democratic Party.

Waxaa uu xisbigaas ka noqday hogaamiye markii dambe na waxaa uu noqday rai’sul wasaarihi japan.

Xisbigii uu asaasay ayaa Japan xukumayay muddo 65 sano ah.

Rai'sul wasaare Nobusuke Kishi Bidix) iyo safiirkii Mareykanka ee Japan Douglas MacArthur sanaddii 1957
Rai’sul wasaare Nobusuke Kishi Bidix) iyo safiirkii Mareykanka ee Japan Douglas MacArthur sanaddii 1957

Nobusuke Kishi gabadh uu dhalay ayaa waxaa guursaday nin kale oo awood siyaasadeed lahaa oo lagu magacaabo Shintaro Abe.

Waxaa uu Shintaro ka dib noqday wasiirkii arrimaha dibadda Japan iyo aabaha wiil uu ku magacaabay Shinzo.

Rai’sul wasaare Shinzo Abe ayaa ka fog in uu yahay nin saaxadda taariikhda qoyska ku cusub.

Siyaasadda Japan ee ku dhisan qoyska ayaa muujisay adkeysi la yaab leh.

Shinzo Abe ayaa la sheegay in uu aad ugu dhaw yahay awoowgii.

Askari Japan u dhashay oo la ooynaya guuldarada Japan
Askari Japan u dhashay oo la ooynaya guuldarada Japan

Khudbaddii uu jeediyay 1965, Kishi waxaa uu ku baaqay in Japan ay dib isu hubayso taasi oo ah buu yiri”qaab lagu ciribtiri karo cawaaqibkii japan ay kala kulantay dagaalkii looga adkaaday iyo qabsashadii Mareykanka”.

Marka dadka dhaliila Japan ee ku sugan Shiinaha iyo Kuuriya ay leeyihiin Japan raaligalin kama aysan bixin wixii ay sameysay dagaalkii labaad ee aduunka, waa ay qaldan yihiin.

Japan ayaa marar badan raaligalin ka bixisay khaladaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.

Balse dhibaatado waxay tahay erayada iyo tallaabooyiinkii kale ee ay qaadeen hogaamiyayaasha siyaasadda ee Japan.

Rai'sul wasaarihi hore oo dambiyo dagaal lagu soo oogay sanaddii 1948
Rai’sul wasaarihi hore oo dambiyo dagaal lagu soo oogay sanaddii 1948

Hadaba markii uu dhintay Hiroo Onoda 2014 isaga oo ay da’diisu ahayd 91 jir, afhayeen u hadlay rai’sul wasaare Abe ayaa si aad ah uga tacsiyeeya

Afhayeenka kama uusan hadlin dhibaatadii uu geystay dagaalka uu kaligii ku jiray iyo dadkii tuulooyiinka Philippine ee uu dilay ka dib markii ay Japan is dhiibtay, Afhayeenka rai’sul wasaare Abe ayaa taa badalkeeda Hiroo Onoda ku tilmaamay halyeeyka dalka japan.y .