Awoow Siciid Cilmi Rooblow Afna Daayoo!

 

Siciid Cilmi Rooble ayaan caawa daawaday isagoo leh “qabyaalada ayaanu la dagaalamayna oo aan Burco u tagay.” Dabadeed waxaan is idhi ma Dadka waalan oo wax walba loo sheegayaa mise tollow adigaa waalan?. Siciid Cilmi Rooble mandaqa siyaasadiisa intaan ka aqoon qaatay waxa gundhig iyo jirid u ah qabyaalad waanan sababaynayaa.
Siciid Cilmi Roobe wuxuu kursiga Golaha Wakiilada soo galay 1997-kii, wuxuu badalay Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo ay isku degaan ahayeen, xilligaa Nin saxada siyaasadda ku cusub ayuu aha Waddanka Sacuudiga ayuu ka yimi, muddo ayaa loogu yeedhi jiray ”Waa Ninkii lagu badalay Mujaahid Cabsiiye. Waddanka xilligaas waxa Madaxweyne ka aha Alle hawnaxariiste Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo ay isku degaan ka soo jeedeen, qodobka lagu bartay wuxuu aha hiil qabyaladaysan oo uu gar iyo gardarroba ku raacijiray kuna tageeri jiray Cigaal. Sidu sidaa u aha ayuu Madaxweyne Cigaal geeriyooday bishii may 2002, Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa badalay saacadaba xagga kale ayuu Siciid Sallacalee u wareejiyay, mucaaridnimo aan nooceeda la arag ayuu Daahir Rayaale ku qaaday. Axmed Siilaanyo ayaa la doortay sannadkii 2010-kii bishii June.
Markale Siciid Cilmi Rooble wuxuu hab qabyaaladaysan oo qaawan ugu mucaariday Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, beesha Ciise Muuse ee uu Siciid Cilmi Rooble ka dhashay 7-sanno wuu ka dhex musanaabaayay “Waa laydinku soo duulay, Berbera ayaa laydinka qaadaya, DP World waa dhagar dhaxal wareejin ah, kaadhka Somtel ayaa shaqaalaha lagu khasbay, wixii dhiiglow kaca”. Weedhihii laga guntay ilaa maanta way duuban yihiin.
Arrinta yaabka leh waxay ahayd markii Muuse Biixi Cabdi ay u cadaatay inuu murashax ka yahay Xisbiga Kulmiye, Siciid Cilmi Rooble si yaableh ayuu uga baxay Mucaaradnimadi isagoo wakhtigaas ka tirsana Xisbiga Waddani waliba hawlo badan oo waxtar dhanka Siciid Cilmi Rooble ah ay jireen, oo ilaa Imaraadka laha. Weedhi uu Berbera ka yidhi waxay ahay “Cirro waxaan moodayay Nin rer Berbera ah waa lay khalday,” isagoo ula jeeda Muuse Biixi ayaa qabiil ahaan ku ah rer Berbera. Maalin mucaarid kuma
noqon Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa.
Maanta raacistiisa Dr. Gaboose waxaan huba sidaan wadkayga u hubo inuu ku raali galinaayo doonista Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aadan degaanka Murashaxa Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro. Iyana waa markale iyo qabyaalad kale. Markay sidaa tahay qoodhin iyo xeradiin Siciid Cilmi Roobe miyuu yahay kii odhan laha “Dr. Gaboose waxaan ula socda waxaan ahay qabyaalad la dirir? Wax kale odhan mayno waxaynu leenahay “Islaantii afkeeda ilkuhu ka dhammaadeen ee Odaygeedi ku tidhi Afka-xunday wuxuu ugu jawaabay “Afna Daayoo”.

Muniir Axmed Cigaal.