Writen by Qaran News |

Laascanood,(Qaran-news)- Wararka ka imanaaya deegaanka Awrbogays ayaa xaqiijinaaya in shalay goobtaasi lagaga mudaharaaday waftigii uu hogaaminaayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaasina ah musharaxa xisbigaasi, wararku waxa ay sheegayaan in waftiga gudoomiyaha lagu bilaabay shiid iyo hadalo lagaga soo hor jeedo, waxna ay aakhirkii isu rogtay in ilaaladii waftiga Muuse Biixi ay dadkii rasaas ku kala kaxeeyaan kadibna uu halkaasi waftigaasi isga baxo.

Wararka aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in laba qof ay rasaastii ay ridayeen ilaalada musharaxa xisbiga Kulmiye ay dhaawacday laba qof kuwaasi oo loo soo qaaday cisbitalka magaalada Burco.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xaga maamulka gobolka Sool, xukumadda iyo xisbiga Kulmiye toona oo ku saabsan mudaharaadkaasi shalay lagu sameeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminaayay, waftiga uu hogaaminaayo Muuse Biixi ayaa amaanikiisa aad loo adkeeyay tan iyo intii uu ka baxay magaalada Hargeysa, waxna galbinaaya 7 baabuur oo tikniko ah iyo ilaalo badan oo ay dheertahay ilaalada khaaska ah ee la socota masuul kasta oo waftigiisa ka mid ah.