Baadhitaano Muujinaya Cadaalad Darro Lagula Kacay Yaasmiin Cabdiqaadir Oo Kasoo Jeeda Dawlad Deegaanka Somaalida Ethiopia+ Dareenada Ku Xeeran Maxkamadaha Gacanta Ku Haya.
Kadib Markii maalintii shalay ay warbaahinta la Hadleen ugaasyo Iyo salaadiin kasoo jeeda dawlad deegaanka somaalida Itoobiya oo ku sugan caasimada jig-jiga ayaa waxa Fariin waafiya ay u direen Madaxweynaha Somaliland, bahda dhaqanka iyo reerka uu kasoo jeedo ninka ay ka cabanayso gabadhani oo ka dhacay lacag aad u badan oo ay wada lahaayeen laguna fuliyey dhismaha hotelka lagu magacaabo HOLIDAY,IN oo ka dhexeeyey lamaanahan oo is qabay, ayaa dacwad ay ka furatay maxkamadaha Somaliland waxaa kasoo baxay go’aano loogu xukumay gabadhan in ay leedahay lacagta ay kusoo dacwootay sidaana loogu fuliyo.
Qaraarka xukun ee Maxkamada Kadib waxaa uu sameeyey ninka lagu magacaabo Sacad Siciid Sacad Al Shaybaani is hortaag uu ku dacwoonayo in aan magacan isaga la odhan islamarkaana aanu ahayn ninka gabadhani lacagta ku sheeganayso, balse baadhitaano ay sameeyeen hay’adaha ku shaqada leh sida ciidamada danbi baadhista ee C.I.D ayaa soo bandhigay in Magaca ninkan lagu magacaabo Sacad Siciid Sacad uu ugu qoran yahay Kaadhka Dhalashada sidoo kale uu magaca Sacad Siciid Sacad al Shaybaani uu ku isticmaalo baasaaboor kanadiyaan ah iyo dhukumantiyo kale, sidaa uu ku yahay ninkan labadan magacba isticmaalayaa shaqsiga ay soosaartay fulinta xukunka lacagta ay u sheeganayso Yaasmiin Cabdiqaadir oo kasoo jeeda dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia,
Cadaynta Baadhista Ciidanka CID Jsl
Dhismaha Fooqa Lagu Dhisay Lacagta Laga Dhacay Gabadha
Xidhiidho qotodheer oo ay sameysay warbaahintu ayaa aanu ku ogaanay xogo dheeraad ah oo la xidhiidh kiiska gabadhan iyo ninkan ay ku sheeganayso lacagta lagu dhisay fooqa hotelka sawiradiisu idiin muuqdaa oo ku yaala magaalada hargeisa.
Waxaana baadhitaanadaa aanu ku ogaanay in hadda uu ku xidhan yahay magaalada hargeisa shaqsiga kaliya ee wax ka ogaa lacagta ay gabadhu ninka ku sheeganayso oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee ay usoo cabatay islamarkaana uga warantay lacagta dhexmartay gabadha iyo saygeedii oo markaa ku sugnaa hargeisa, kaas oo ahaa markhaatiga kaliya ee Cadeeyey wixii uu ilahay ku ogaa ee la xidhiidha arrintaa.
Waxaana Faysal oo ahaa ninkan markhaatiga ahi Maxkamada horteeda ka sheegay in gabadhaasi lasoo hadashay kadibna uu la hadlay Sacad Siciid Sacad oo ah isaga Saaxiibkii waydiiyeyna inay jirto lacagta ay gabadhu ku sheeganayso, intaa ka dibna uu u cadeeyey in ay jirto lacagtaasi uuna dhamaynayo sida ugu dhakhsaha badan, intaa kadibna markii ay beenowday balanqaadkaa uu u sheegay saaxiibkii ay timid in maxkamada gobolka dacwad ka furato dacwootoda magaceedu ku cad yahay nuqulada waraaqaha Yaasmiin C,qaadir.
Waxaana Darajadii koowaad ee dhegaysiga maragyada uu marag Faysal Maxamed Cali oo marag u ahaa yaasmiin cabdiqaadir uu maxkamada horteedka ka cadeeyey in wixii ay ku wada hadleen saaxiibkii oo ahayd in Yaasmiin lasoo hadashay ugana cabatay saaxiibkii oo ah sacad siciid sacad inuu ka dhacay lacagtaa isaga markii uu waydiiyeyna uu u cadeeyey una sheegay inuu dhamayn doono.
Waxaana Intaa Kadib isagoo adeegsanaya awoodo dhaqaale uu Sacad Siciid Sacad oo ah ninka gabadhu ka cabanayso uu xabsiga u taxaabay marag faysal Maxamed Cali oo uu ku haysto maxaad maraga iigu furtay.
Isagoo ciidamada u sheegay in ninkan saaxiibkii ahi uu kula kacay cay aflagaado ah kuna yidhi waxaad tahay tuug dhacaya xaaskiisa, sidaana lagu xidhay.
Dhinaca kale Marag faysal Maxamed oo aanu ogaanay kadib markii aanu la xidhiidhnay in waxa dhabta eek u xidhan yahay tahay maxaad iigu marag furtay ayaa isaguna Xafiiska xeer ilaalinta u gudbiyey codsi cabasho ah oo lagula kacay xadhig sharci darro ah kadib markii uu furay maragaasi, ilaa haddana uu ku xidhan yahay.
Cabashada Marag faysal u gudbiyey xeer ilaalinta
Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhegtaagaya garsoorka Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyey ay kusoo noqnoqdeen cabashooyinka dhinaca dacwadaha oo aaney waxba ka dhamaanin, iyadoo dacwootada xukunkii ay maxkamada hargeisa hore ugu xukuntay lacagta laga dhacay aaney ilaa hadda helin fulintiisa kadib markii ninka ka dhacay lacagtani uu geeyey maxkamada rafcaanka ishortaag been abuura oo uu ku sheegay in aan la odhan magaca ay maxkamadu ugu soosaartay xukunka oo ah mid kamida magacyada dhabta ee uu ku isticmaalo dhukumantiyada ama kaadhka dhalashada iyo baasaaboorka uu ku isticmaalo dalka kenada.
La Soco Faahfaahina Cadaymo la Xidhiidha Arrintan.