Writen by Qaran News |

“Baarlamanka S/Land. 5 Sanno Inay Fadhiyaan Ayay Ahayd. 13 Sanandood Ayay Wali Soo Fadhiyaan Albaabka Hala Tusa Oo Ha Ina Dhaafaan…..” Wasiir ku xigeenkii hore ee A. Dibadda S/land Amb. Kaysar Maxamed Cabdilaahi

Wasiir ku xigeenkii hore ee Arimaha Dibadda Somaliland md Kaysar Maxamed Cabdilaahi, ayaa soo jeediyey kuna taliyey in al-baabka la tuso oo Baarlamaanka laga dereeriyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Somaliland oo uu ku eedeeyey inay yihiin caadaystayaal iyaga oo 5 sanno oo kaliya la doortay hada golahaasi 13 sanno mudo ka badan iska fadhiya oo aan doorasho diyaar u ahyn.

Amb. Kaysar Maxamed Cabdilaahi oo xilal wasiirnimo iyo Safiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo), ayaa qoraal kooban uu uu bartiisa Mareegta Bulshaddu ku kulanto ee Facebook-ga soo dhigay, waxa uu ka dayriiyey isla markaana dhaliilay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Somaliland oo golahaasi ku 13 jir saday iyaga oo sida uu wasiirku sheegay 5 sanno oo kaliya la doortay xildhibaanadda golahaasi, waxaanu ku taliyey in dawladda Somaliland ay kala dirto oo albaabka tusto xildhibaanadda golahaasi marka la gaadho March 2019 oo ah wakhtigii loo balamay inay doorashadda golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanku ka qabsoonta Somaliland.

Wasiir Kaysar Maxamed Cabdilaahi waxa uu qoraalkiisa kooban ee uu kaga hadlay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee iyaga oo 5 sanno golahaasi loo doortay 13 sanno iska fadhiyo waxa uu yidhi “29-9-2005 ayaa la doortay Baarlamanka S/land. 5 Sanno inay fadhiyaan ayay ahayd. 13 Sanandood ayay wali soo fadhiyaan Albaabka hala Tusa oo ha ina Dhaafaan Marka la gaadho March 2019”