Baasaboor Soomaaliga oo isbeddel ‘lama filaan ah’ ka sameeyay liiska baasaboorrada caalamka

Passport

Hay’adda Passport Index ee qiimeysa baasaboorrada caalamka ayaa cusbooneysiisay liiska ay kusoo bandhigto kala sarreynta aqoonsiga lagu safro ee waddamada adduunka.

Sida muuqa waxba iskama beddelin qeybta ugu sarreysa ee liiska, balse waxaa la arki karaa in boos kala qaadasho cusub ay ka dhacay meesha ugu hooseysa.

Baasaboorka Soomaaliya oo billowgii sanadkan u muuqday inuu sii xoogeysanayay ayaa hadda la kulmay hoos u dhac, waxaana ka sare maray baasaboorro uu hoggaanka u hayay.

Dalalka Yemen iyo Pakistan oo baasaboorradooda uu horay uga sarreeyay midka Soomaaliya ayaa hadda sare u kacay, iyagoo hoos u riixay dal ku galka Soomaaliga.

Hase yeeshee, baasaboorrada dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan ayaa weli ka hooseeya Soomaaliga.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Baasaboor Soomaaliga uu kaalinta 94-aad uga jiro liiska kala sarreynta oo guud ahaan ka kooban 97, inkastoo waddamada qaar ay hal kaalin iskula wadaagaan wax ka badan hal.

Inta badan ma dhici jirin in liiska sanad lasoo saaro uu wax iska beddelo inta uusan sanadkaas dhammaanin ka hor, waxayna u muuqataa in arrintani ay tahay lama filaan, maadaama dad badano o Soomaali ah ay horay yididiilo uga muujiyeen heerka uu ku socday dal ku galkooda.

Dhanka sare ee liiska, waxaa weli hoggaanka haya baasaboorka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo sanadkan billowgiisii ugu sarreeyay liiska, waxaana kusoo xiga baasaboorrada Jarmalka iyo Sweden.

Qiimeynta baasaboorrada waxaa lagu saleeyaa xiriirka kala dhaxeeya waddamada kale iyo tirada dalalka baasaboorkaas lagu aadi karo iyadoo aan wax fiiso ah loo qaadan.

Passport

Dalalka fiiso la’aan lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya

Sida aan kasoo xigannay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka iyo dal ku galka ee VisaIndex iyo PassportIndex, 9 waddan ayaa baasaboor Soomaali lagu tagi karaa iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Dalalkan ayaa kala ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Haiti – oo ah waddan ku yaalla gobolka la isku yiraahdo Caribbean oo ka tirsan Latin Ameerika.

Dominica – oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la dhoho Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya. Hase yeeshee waqti xaadirkan waxaa baasaboor Soomaaliga looga mamnuucay dalkaas sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Saint Vincent and the Grenadines – oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean.