Writen by Qaran News |

Baashe Moorgan & Faysal Cali waraabe Reer Awdal Shahaadada
ay Ugu gudeen, Ma Xaraashkii Wadanka 142, Milyan ee ay ka
qaateen Berbera, ma Dekedii Lugahaya ee Siilaanyo Dhax dhigay
ayey ugu dhisayaan, oo qaybtoodii ayey u geeyeen.
Baashe Moorgan Wadankii dhamaa wuu wareejiyey, oo wuxuu qaatay Kumbutuuyar, oo Lacag Dhan
Boqol Laba & Afartan Milyan Doollar ayuu siistay Berbera, oo cid weydiin karta, Baarlamaan daba gal
ku samaynayaa jirin, ayuu kolkuu Wadankii & Dekedii uu ku shubtay Jeebka, oo uu isku hubsaday ayuu
wuxuu kaxaystay Tuuga hada ugu gargaara, Xukuumadan Murdiya & Baashe Moorgan, Hantida Umada
Xaraashkeeda Faysal Cali Waraabe, oo hada noqday Mobil ay Madaxtooyadu ku shubato, Aamina Weris
& Baashe Moorgan, & Maxamuud Xaashi ayuu aysal u noqday Wasiir Xaraashka & Xaqul-Qalinka.
Maanta laga Bilaabo, Faysal Cali Waraabe haloogu yeedho, Wasiirka Xaraashka, Dhaca & Xaqul-qalinka
Xukuumada Murdiya ee Siilaanyo.
Baashe Moorgan, hada wuxuu yahay Madaxweynaha Dalka ee bilaa dhaarta ah, waayo wixii uu yidhaahdo
Sharcigii uu keeno, Xeerkii uu curiyo ee Boobka, xaraashka, & Xaqul-qalinka isagaa samaystay, kolba halkuu
doono ayuu Isbaaro u dhiganayaa, Ciduu doono ayuu xabsiga dhigayaa, Maxamadu amarkiisa ayeyb Dadka
u xukuntaa.
Sidaas Darteed, Baashe Moorgan Yaa doortay, ya awooda siiyey, waa Odeygii u sodoga ahaa oo uu kala
wareegay xukunkii, kolkii odeygii uu warqad loo qoray uu sito oo aanu wax waraba ah aanu ogeyn.
Islaanta Wadanka Taladiisa haysa ee maxishootada, Aamina Weris ayuu xaynkeeda & Duluceeda ku hoos
nool yahay, waana koox Maafiya oon xishood & xayadii & Aduun & Aakhiro midna u tudhanayn.
Bal u fiirso, Umadii Aamina Weris, Maxamuud Xaashi, Cali-Mareexaan & Samsam & Moorgan, habaar, cay
Ilaahaw kuwan naga soo gaadh, kuwan murdiyey Wadankii, & Magacyo aan waligood ka hadhayn, ayaa
loo bixiyey, oo ay weilna isu bogayaan iyagu isu hambalyeynayaan, Xaqii Umada ee ay dhaceen noogu heesa
Shahaadooyin nagu siiya, sida hada Boorama Moorgan & Wax iskuma fale Faysal Cali Waraabe ay ku and-
acoodeen Shahaadooyin na gudoonsiya, shahaadada uu Baashe Moorgan & Faysal ma gudbe la siiyey ma
Dekedii reer awdal ee Siilaanyo dhagax dhigay ee Dekeda Lughaya ayey badhkoodii u geeyeen, mise
Xaqul-qalinkii ayey u sidaan, Shicibka Boorama & Kuwa gudoonsiiyey Moorgan & Faysal waal haw sheegaan
waxay ku mutaysteen, mise waxay ka ruxruxanayaan in xaqul-qalinkii wax loo dhiibo.
Waayo Faysal Cali Waraababa, xaqul-qalinkii & Xaraashii waakaa qaybtiisii loogu shubo ee uu noqday
Shanadad Baashe Moorgan, Kolba ag fadhiya, kolkaas kuwaas gudoonsiiyey Shahaadooyinka ee reer Awdal
Sidaa Faysal ayaa xaqul-qalinkii loogu garoocay, Faysal wuxuu noqday, Ku shubo faysal ha caayo, Shicibkee.
wabilaahi tawfiiq.

Asha Jama
ashaa.j@live.nl