Writen by Qaran News |

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Imaaraatka Baashe Cawil(Baashe Morgan) ayaa ku hor fashilmay wafdi ka socday dalka Imaaraatka oo labadii maalmood ee u dambeeyey wada hadalo ku saabsan Saldhigii Milatari kula yeeshay madaxda xukuumadda Somaliland magaalada Hargeysa ka dib markii ay cadaatay in Baashe Morgan aanu dhinaca xukuumadda dalkiisa soo gaadhsiinin mucaawimooyin ay Imaaraatku ugu deeqeen mashaariic horumarineed oo xadigooda lagu qiyaasay maalaayin doolar.Baashe Morgan oo ka qaybgalay kulankii wafdiga Imaaraatka iyo xukuumadda ayaa waxa soo ifbaxay inuu labada dhinac u kala gudbin jiray macluumada khaladan ama warar been iyi hoosaasin ah taasoo ay dano muhiim ahi ku seegeen dhinaca Somaliland .
Dhinaca kalae xukuumadda dhexe ayaa Baashe Morgan ka wareejisay kawaanka hilibka(Maslahka) ee ay Imaaraatku sanadkii hore ka hirgaliyeen magaalada Berbera iyadoo haatan lagu wareejiyey dawladda hoosee Berbera oo marka horeba ku talo galku ahaa inay iyadu maamusho balse uu Baashe Morgan isagu isku qoray xili ay doorashadii madaxtooyada toban maalmood ka hadhsanaayeen.