Bahda Cadaaladda Somaliland ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Maxkamadda Sare, halkaas oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sarreysa hayโ€™adaha garsoorka iyo caddaaladda dalka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali, Guddoomiye-ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Maxamed Cumar Geelle, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, Xeer-ilaaliyaha Guud, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Maxamed Cabdi Xaashi.

Masuuliyiintu waxay si mideysan ugu heshiiyeen in dhammaan hayโ€™adaha caddaaladdu si buuxda uga wada qayb galaan Shirweynaha Guud ee Caddaaladda oo lagu qorsheeyay in uu qabsoomo 2โ€“3 December.

Kulankan waxaa laga muujiyey isku duubni iyo diyaar-garow lagu xoojinayo habsami u socodka hawlaha garsoorka iyo horumarinta nidaamka cadaaladda dalka.

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ
๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ.