Bangiga Adduunka oo ku Eedeeyay Nidaam Xumo  Dawladda Soomaaliya

Muqdisho(Qaran news)-Bangiga Adduunka ayaa shaaciyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldarraysatay soo gudbinta warbixinnada xaqiijinta xisaabcelinta muddo sagaal bilood ah oo laga sugayey ka dib.

Arrintan ayaa Bangiga Adduunku sheegay in ay ka dhalanayso cawaaqib xumo badan oo ay ka mid tahay hakinta lacagaha Bangigu ku caawiyo Soomaaliya, hakinta lacagaha mashaariicda haatan socda, iyo mashaariicaha cusub ee laga yaabo in Soomaaliya la siin doono.

“Sida uu dhigayo habraaca bixinta bangiga adduunka ee maalgelinta mashruuca maalgashiga, haddii xisaab xidhka xisaabaadka ee la baadhi waayay uu bangiga ku soo gaadhi waayo sagaal (9) bilood gudahood laga bilaabo taariikhda loo qabtay, bangigu waxa uu samayn karaa siyaabaha soo socda:

i. Diidmada in la kordhiyo Taariikhda xidhitaanka deeqaha.
ii. Dib u dhigista wada xaajoodyada iyo soo bandhigidda guddida hawlgal kasta cidda aan u hoggaansamin.
Joojinta horumarka dheeraadka ah ee qaddarka deeqda.

iv. Joojinta lacag bixinta ku salaysan warbixino kooban (warbixin maaliyadeed oo aan la xisaabin oo ku meel gaadh ah iyo bayaannada kharashaadka).
V. Joojinta bixinta deeqaha la saameeyay si waafaqsan siyaasadaha Bankiga.”
ayaa lagu yidhi qoraalka bangigu soo saaray.

Bangigu waxa uu codsaday in Soomaaliya ay qaaddo talaabo degdeg ah oo ku aaddan soo gudbinta warbixannahani.