Writen by Qaran News |

Barbaarinta Ubadka
Banii Aadamku waxa la yidhaa waxay isku af-gartaan Hadalka iyo wax isu sheegga, Xayawaan kuna urta. Waxa hubaal ah in waalidkeen inna jecelyihiin isla markaana innala jecel yihiin waxa wanaagsan, Sidaa si la mid ah carruurtuna waa ay jecel yihiin waalid kood.
Qormadan waxa aan ugu talo galay in aan ku soo bandhigo isla markaana ku iftiimiyo dhibaato xooggan oo dhextaal waalidka iyo ilmaha ay dhaleen.
Ilmuhu waa uu dhashaa ka dib marka uu warkani soo yeedho waxaa la is waydiyaa ilmaha dhashay ma wiilbaa mise waa Gabadh? tahniyadda ka imanaysa asaxaabta iyo Ehelka ayaa Bilaabanta, ilmahan ay ka qayb qaadanayaan Soo dhawayntiisa Asaxaabta iyo Ehelkuba waxa bilaabanta in korintiisa, kobcintiisa iyo kool-koolintiisuba halkaa kasii socoto.

Haddaba ilmahan sidee ayaa loo korinayaa?
Jidhkiisa iyo Caqligiisa sidee la isugu miisamaya?
Waxa aynu aragnaa Waalidka oo Amarro kala duwan faraya ilmihiisa wiil ha ahaada ama gabadh ha ahaatee (Tusaale ahaan, Ax, kadaa, Car, Xuux IWM).

ilmaha Sanadka ilaa Shan sano jira Usamee Sidan:-
Ku ammaan waxa wanaagsan ee uu sameeyo/ay samayso.
Bar hadalka oo hadduu kalmada badh sheego badhka kale u dhammaystir.
Ku dadaal in ay indhihiisu qabtaan waxa wanaagsan ee ay samaynayaan dadka kawayn ee guriga joogaa.
Bar sida wax loo akhriyo loona qoro isaga oo jooga guriga.
Bar Quraanka Kareemka ah.
Uga sheekee waxa wanaagsan waxa xuna ka reeb kuna bar-baari sidaaa.

Horta waa hubaal qofka ilaahay waaniyaa waansan, qofka ilaahay hadeeyo ayaa hadaysma. waxa jira ubad badan oo aan helin barbaarin wanaagsan haddan ka wanaagsan kuwo helay in badan oo aynu kasoo sheekaynay balse, waxa hubaala wixii lagu cel-celiyaa inay noqdaan sidaa loogu celceliyey oo ay midho dhalaan.

Sida aynu wada ogsoonahay ilaahay ha innoo hadeeyo ubadkee xilligan caruurtu waxay marayaan meel ilaahay uuni ogyahay, hadda ha umalayn carruurtani inay tahay dad ay waalidkood dayaceen ama aanay siin daryeelkii loo baahnaa balse waxaaba laga yaabaa inay yihiin dad xufaada oo xifdiyey Qawlka Eebbe Sidoo kale kasoo baxay ama dhigtaba Dugsiyo aad ugu wanaagsan barbaarinta ubadka ilaahay ayaa wax barbaariyee.

Hadaba, halkay sartu ka qudhun tay? Ma waalidkaa qaldan?
Ma macalinkiisa ayaa qaldan?
Ma manhajka ilmahan ayaan ahayn mid ku haboon?

Waa suaalaha ka dhex guuxaya dhammaan bulsha-waynta Somaliland.

Bal sheekadan ila eeg:
‘Maalin dhawayd anoo ka xiiranaya Timo-jare ku yaal Xaafadda aan ka deggan ahay magaalada Hargeisa ayaa waxa Rayislaha soo galay Nin Oday ah iyo Wiil uu dhalay aabbuhu waxa uu Rabaa inu ka xiiro timo aad u dhaadheer oo uu wiilku labaxay, Da’ ahaan wiilku waa ilaa 15 jir ama ka yarba Rayislihii ayuu aabbuhu amar siinayaa isagoo leh “dhammaan kaxiir timaha oo ka dhukur” wiilkuna waaba maroora dilaacsanahay Ugu danabayn laga xiir wiilkii walaw aanu ku qanacsanayn sida laga yeelay oo uu dareemayey Afduub iyo Jujuub Wiilka yari waxa uu Ugu hanjabayey aabbaha in uu wax samayn doono anuu aan markaa u maleyey inuu leeyahay hadaan baxsan waayo ama wax lamida’ .

Wiilkaas yar Malaga yabaa inu aabuhu ka eego meel aanu mahadin?
Malaga yabaa in uu samayn karayey Hab kale oo ka fudud inu inankiisa kusoo Dhawaysto?

Aniga Ahaan waxan odhan lahaa malaha wuu Xalin kari lahaa waanu soo dhawayn kari lahaa wiilkiisa inta aanay lumin kalsoonida ka dhaxaysaa.

Bal aynu kala qaadnee horta hablaha iyo wiilashu waa kala korriin iyo ilaalin duwan yihiin oo dee hablaha ayaa ka adag oo Nabigeena suubbani NNKH waa kii xadiis ku lahaa “Waalidka koriya Saddex Hablood ee Ku toosiya Dariiqa saxda ah jannada ayuu galayaa”.
Waxa uu ogaa nabigu NNKH in ilaalin iyo toos toosin badan ay u baahan yihiin habluhu. Wiilashu iyagu waa ay ka duwan yihiin marka loo eego dhinacyo badan laakiin iyagaba waqtgian la joogo ma hawl yara korintoodu.
Wiilku marka uu soo Gaadh0 hilaadahan waxa dhacda inta badan in uu waalidku ka qariyo hayntiisa, hantidiisa,Shaqadiisa iyo wax kasta oo uu qabto, kaliya aabaha ilmahan dhalay waxa uu ku dadaalayaa In uu ku hayo waar waxbaro waliba waa aabbaha ugu wanaagsan wakhtigan aynu joogno.
Tani waa ta dhasha marka danbe inay isu qabsadaan caruurtu hantidii uu lahaa aabbohood isaga oo nool ama ay isaga laftiisa ku qabsadaan hantida uu u hayo iyaga taasoo sababta in ay walaaluhu birta iska aslaan ama ay waalidkoodba dilaan ama dhaawacaan.
Maanta immisaa walaalo ah oo aan dabka kala qaadan?
Immisaa waalaalo ah oo aan is bariidin?
Immisaa walaalo ah oo aan iyagu isbixinayn?

Waxas oo dhan waxa ka masuul ah waalidka dhalay ubadkan sababta oo ah ma ay barin wax wada lahaanshaha, Mana ay barin In ay hantidan iyagu leeyihiin islamarkaana wada manaafacaadsaaan, umanay sheegin hantidani halka ay taalo iyo sida ay u shaqayso hadday u sheegaanna mid ama laba kamid ah ayaa og ee dhammaan caruurta Xaafadda ka dhalataa ma wada oga.
Tani waa sababta keenta in uu ilmuhu yidhaahdo waan tahriibayaa haddii kale hala ii smayeeyo waxa aan rabo.
Tani waa ta sababta in la arko ilmaha oo balwado aan fiicnayn yeesha sida jaadka, sigaarka, xashiidad iyo qaarkale oo badan.
Tani waa ta sababta in wiilku uu noqdo budhcad dadka waddooyinka u istaata oo ah ta ugu badan wakhtigan xagga wiilasha.

Hadaan u imaad Gabadha aad dhashay, Hoos ula hadlideeda iyo u kuur galkeeda waxa ku habboon hooyada dhashay inantan.
Intaaanan Galin Doorka hooyada bal aan soo yara kooba hooyadii Soomaaliyeed ee Hore ama Miyiga Degganayd.
Waxa ay fari jirtay inanteeda hawlahan marka ay istaagtaba.

Hooyadu waxay Ku barbaarin jirtay inanta inay iyadu tahay Inan, inantana laga rabo inay ka caawiso hooyadeed hawlmaalmeedka guriga oo Waa tii Maah maah soomaaliyewd ahayd “Inantii Hooyadeed Hadhuudhka tuntaa, iyana Haadiskay Barataa”.
Hooyadu waxa ay bari jirtay inanta in ay inan tahay oo anay dhex galin wiilasha ama rabga ba oo waynnagii Mocooyooyinkeen ka maqli jirnay Iyadoo la leeyahay “Naa Dhiidhiibso”
Labadaa Qodab haddi aynu yara dul saarno kuna miisaamno dhaqanka iyo barbaarinta ka dhexaysa hooyada cahdigan, hooyooyinka maanta qaarkood inanta waxba ma baraan aan ka ahayn sida loo hadlo, sida loo jaaso ma loogu ciyaaro muusikada, Sida loo daawado Musalsalka iyo Filimada aan wanaagsanayn ee yaalla guryaheena Markaa miyeynaan odhan karin “Inantii Hooyadeed Filimada Daawataa iyana Fidnaday daawataa”.
Intanta yar wakhtigii hore hadii la odhan jiray “dhiidhiibso” hadda waxaaba la odhanayaa waxa Style ah inaad Dhinac ka banayso jidhkaaga haddii kale waxbaa ka dhiman labbiskaaga.
Markaa tani waa ta sababtay in aynu aragno mar walba hablo aad u da’yar oo xilliyo danbe oo habeenkiiya meeraysanaya hudheelada cawayska ee waawayn iyagoo la socda niman aan qabin balse aan ehel u ahayn (muxrim) lagana yaaba inay sidaa kaga maqnaadaan guryahooda oo meelo kale u dhaxaan.
Tani waa sababtaa aad u arkayso Inan loo diray waxbarasho oo tagaysa meelo kale.
Tani waa sababta aad u arkayso inan Qaawan oo lugaynaysa suuqyada waa wayn ee magaalooyinkeena xilliyada dambe ee habeenkii.
Tani waa sababtaad u arkayso inan Kad haxayso reer kooda habeen, laba iyo in ka badanba.
Tani waa sababta aad u arkayso inan Samaynaysa xumaano badan oo aynaan halakan kusoo koobi karayn.

Qoraalka ayaan dheereeyee waxa aan kusoo Gebo-gebayn lahaa dhawr qodob oo aan is leeyahay malaha waa laga faa’idi lahaa haddii la sameeyo:
Ugu horrayn waa in waalidku bartaa dhaqanka suubban ee islaamika si uu u ababiyo una barbaariyo caruur wanaagsan.
Wiilka guur doonka ahi waa in uu raadsadaa hooyo fiican oo ubadkeedu kaga dayan karaan wanaagga.
Gabadha guur doonka ahi Iyana waa in ay ka taxaddirtaa wiil balwad waayo ubadka uu dhalaa inta badan waxa ay kaga dayan karaan dhaqan xumadaasi.
Hooyada iyo aabbuhu waa in ay noqdaan laba is jecel si uu ugurigu u noqdo mid naxariis iyo jacayl ka buuxo ubadkuna ay ugu barbaaraan jacaylkaasi waalidkood ay ka dhaxlayaan.
waalidiinta caruurta dhalay waa in ay ubadkooda ka qayb geliyaan hawlaha guriga ka socda sida: shaqo maalmeedka guriga iyo talooyinka qoyska.
Ilmaha yari waxa uu xaq u leeyahay in la waraysto haddii uu hadlayana la dhagaysto oo aan la odhan “adigu waad yar tahaye naga aamu” iwm.
Aabbo ama hooyo waligaa ilmahaaga ma u sheegtay meesha aad ka shaqayso magaceeda, shaqada aad meeshaa ka qabato iyo waliba mushaharka aad ka qaadato?
Aan kula wadaago sheego gaaban oo dhab u dhacday macno ballaadhanna xambaarasn”
‘wiil yar ayaa hooyadii ka dalbaday in ay soo qorto meel luuqadaha lagu barto gelinka dambe maaddaama ay subax kasta shaqo tagto, waxa ay hooyadii u sheegtay ilmaha in aanay qaadanin mushahar ku filan sidaas darteed aanay ka bixin Karin lacagta waxbarashada gelinka dambe, waxa ay kula talisay in uu gelinka hore dugsigiisa iska dhigto. Maalmo kooban ka dib ayaa ilmihii yaraa waxa uu arkay warqadda lacag qaadashada(cheque) oo qolka hooyadii taalla oo ay ku qoran tahay mushahar aad u badan. Ilmihii yaraa maalintaa laga yaabo waxa uu ka aamin baxay hooyadii waxaana uu qorshaystay in uu iskaga tago qoyskooda maaddaama ay hooyadii oo dad ugu dhawayd been u sheegtay waanu tahriiby’
Waalidku waa in uu ilmaha ku dhiirri geliyaa wax kasta oo wanaagsan.
Waalidku waa in uu caruurtiisa u caddaalad sameeyaa oo aanu kala jeclaysanin.
Macallinka koowaad ee ilmuhu waa hooyada iyo aabbaha dugsigiisa koowaad na waa guriga halkaa sida uu ku yahay uun buu bulshada dhexdeedana ku noqonayaa.

Mukhtaar Ali Sheekh
mokhtaralisheikh@gmail.com