ildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, Xildhibaan Xamze Cabdi Barre. Dhammaan xildhibaannadii soo xaadiray kulanka ayaa gacmaha u taagay, ma jirto cid ka aamustay ama diidday.