BAROOR DIIQDA FARMAAJO IYO BUUNBUUNINTA XAALADDA LAASCANOOD REER LAASCANOOD WEY KA DIIDEEN MARKAAD AKHRIDO PAGEKISA. WAXU KU SOO QAREY SABABTUNA WAA

Markaan Madaxweynaha Federaalka aheyd. Maxaad noo qabatey, Iskaba Daa dowladda Somaliland iyo Maamuulkeeda aanu ka midka nahey. Hadana ey jiraan waxyaabo aanu ku saluugsanahey oo kaga cabaneyno

Hadaba reer Sool waxey ku garnaqsadeen.

1. Dhulbahante maka shaqeysey Midnimadiisa.
2. Ceel biyood ma noo qodey meshaad doontaba soo mariyo.
3. Iskuulo ma na soo dhistey NGO noogu soo dhiibo.
4. Goobo Caafimaad ma noo dhistey, WHO noola hadalo.
5. Dowladaaddii imisa Digreeto ayaad noo magacwoddey
6. Ardeydii Waxbarashadda dibadda loogu dirayey ma nagu dartey
7. Ciidamadii dowladaha Shiisheeye taba-barayeen maku jirney
8. Safiiradda aad dibaddaha u direysey, Maxaanu ku laheyn.
9. Somaliland iyo Hadaanu ka cabaaneyneyna ma na dhex gashey
10. Bukaankayagii aanu xamar keneey safaradda Turkiga ma nooga qaadey Vise aanu ku geyno.

11. Dowladdnimadii maxaanu ka Faa’iideyn. Qabyalaad iyo Siyaasadd qaawan mooye. Cawa maxaan noogu soo jibooneysa.

Soomalidda waxa wax isu ah intii isku oodda. Somaliland Isaaq Laascanood kuma duulin. Mana rabaan dhibaatadda shacabka Sool dhibta soo gaadhey.

Balse Sheeko Khiyaali aan meelna gaadhsiineyn Shacabka Sool uma baahna. Maamulka Xukumadda kulmiye ayaa ku fashilmey aminga gobolka Sool.

Markaa Farmaajo intuu joogey Dowladdnimo iyo wadda hadal Somaliland iyo Somalia si hufan ugama shaqeyn.

Maanta waxu rabaa dhiig ka dhex daata dadka oodwagaa ee reer Somaliland. Xukumadda Kulimiyena khaladkeeda waxa saxaya Shacabka Somaliland ee lixdda Gobol Ka soo jeeda ee leh, Guurtidda, Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka

Waan ku bogaadinaya Shacabka Sool ee comment Farmaajo kula garnaqsaddey, Waxey ugu soo koobeen Su’aashi Rooda waxaad ku jawaabtey. Roodaey jawaab uma hayo Su’aashada Shacabka Sool.

Anigaase abtiyaal idinka jawaabaya waxu odhan laha. Dareenkiina waan ogahey, Balse Xukumadda Somaliland waxaan rabaa in aan xalino Sidii horumarkina aan uga shaqeyn laheyn. Xukumadda Somaliland si dowladdnimo iyo walalnimo aan uga wadda hadli laheyn.

Wadda hadalka Somaliland iyo Somalia waanu ku dareyna dareenka shacabka Sool. Cabashadiina.

Balse hadda Somaliland ayaad wax la qabsateen oo aad tariikhii midnimadda Somalia iyo Somaliland ka mid aheydeen nabad wax ku wadda qabsadda. dhiig Soomaaliyeed ma doonayo oo meelna ka daata.

Anaa Ha’yadda Caalamka iyo horumarka caalamiga waan ku dedaalaya in gobolka horumarku soo gaadho. NGO qaar kolaan mashariicda idiin soo mariyo. ama Hay’ada calaamiga. Ama aanu Heshiisyada hoose ee Somaliland iyo Dowladda Federalka ku darno in Gobolka Sool la siiyo tixgalin gaara.

Dhinaca horumarka Sidda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Biyaha, Degaanka iyo Dhismaha Jidadka iyo Arimaha kobcinta shaqo abuurka iyo arimaha Bulshadda.

Intaasiba waa nolosha arimaha Bulshadda ninka intaas garan wayey durbaan iyo qiiro jabaan qabyaladeed. Meeshu doonaba hajooge Siyaasiga aan umadiisa u cadaalad sameynin. Reerna maaha Qabiilna Maaha, Umaddana dhiig shacab inu daadiyo xaq uma leh. Dadka 5ta Soomaaliyeed meel walbey joogaan wey ka daaleen Colaad iyo dagaalo iyo dhiig daata.

Markaa Caawa farmaajo waad ku sugteen. Madaxweyne Muse waxii ka khaldamey haduu saxi waayo Somaliland baa saxeysa oo shacabkeeda saxayaa oo Guurtiddeda saxeysa oo aqoonyahkeeda saxaya.

Faaladda Caawa iyo Farmaajo iyo Gobolka Sool
Markaanu rag badan oo dunida caalamka ku nool u wadda hadalney oo reer abtigey ah oo gobolka Buhoodle iyo Laascanood ka soo jeeda wadda hadlaney.

Kana wadda hadlaney in aan shacabka Somaliland Colaad qabiil la dhex dhigin. Basle maamul xumadda xukumadda Muuse Bihi Hogaaminayo la isla garwaaqsadey sidey u maamushey kacdoonka shacabka laascanood.

Qalinkeyka Hon-Envoy Abdirizak Diinaari