Writen by Qaran News |

Barta Afsoomaaliga Barta Q,5aad.

Xadhig Furkii Erayga Hooyo, Dhalashadii DHaqan iyo HORTII, iyo Gaaxdii Afafkii hore.

Badbaan Ku jiraa!, weliba Badweyn!, Alla Erayga Hooyo, Baaxad-weynaa!,

Waxaan ahay Arday, Afsoomaaliga iyo Dhaqan-Soomaaliga Cilmi ahaan u Barta, Waxaan ahay Ruux Illaahay Rumaysan, ma ihi AqoonYahan, waxaan ahay Aqoon-Raac, Dib-roora Erey iyo Dhaqan Raad-Raacdayn, Afka iyo Dhaqanka Soomaalida, Sooyaalka Taariikheed ee dhex Ceeggaaga ayuu Maanku Ku ashqaraaray, Guulle Mahadii weeye, Hooyo in Buulka u bilowday inay Ubad ku Hoyso, in deegaanka dad ku dhaqnaa hooyo horteed, oo dhulka collaadi Ka jirtay, in Buul Dadkii iyo Afafkoodii meel iskugu keenay oo mideeyey.

Dhowr Marag ayaan haystaa, Dhaqanka, DHaqanka kuwa Ku Nool, Kuwii Dhintay iyo Afsoomaaliga laftiisa. Hadaba aan u Erayo Naqo, Ruuxii Dhaadaya garane!.

DHaqanka ayaa ii Marag ah, DHaqan waa Xeerar iyo Hab-nololeed Hido Gal ah ama wax layska dhaxlo ah, Dhaqan Waa DUUG, ayey Dadkii hore odhan jireen, laakiin intuu jiro may aqoon, hase yeeshee way dhowran jireen dhaqankooda, ilaahay mahadi haka gaadhee, dhaqan kaa Duuga ah weli dad Dibka haysta ayaa Jira, sidaa awgeed in Hooyo Buulkaa U Bilowday in ay ILMO Ku Hoyso, Dadka Nool ee ku dhaqan kuna dhaqma dhaqankii Duuga ahaa, ayaa ii marag ah!, DHaqanka Soomaalida “Hablo waa Hooyo u Joog”, Sidaa awgeed Hablaha Dhaqanka Haya iyagoon Gashaantimo Gaadhin, ayey Maydhaxda Diirtaan oo xadhko ka soohdaan, oo Caws, Allool, Kebed iyo Dhigo iwn, samaystaan, Si marka Calafku usoo boxo Ubadkay dhalidoonaan usii Diyaariyaan HOY, Sidii Hooyo ay Ku Hooyaan, Tabaabulshaha iyo Agab uruursigu waa mid ay Ka Hiddeysteen Hab dhaqankii, Hooyo ee aan Horey Ka sheegey, EEG, Tabtii Hooyo Buulka u bilowday waa Tabtaa Hablahaa nool ee Dhaqan, Dhaqankii miyaan Ka been sheegay!?,

Hadaba DHaqanka Soomaalida ee ii Markhaati Furay, Ma ogtahay inuu yahay Xeerarkii iyo Hab-nololeedkii Hooyo Ku korisay Ubadkii ay Buulka Ku barbaarisay, Ku Dhaqday, kuna Boorisay ee Buulka Dardaaran ugu dhex Gunuday, Ereyo Xikmad ah, oo Sidaan Ka daalacday DHaqanka Soomaalida Tidhi “Dhego-yeesha, Dhugasho-yeesha, oo Dhawrsi-yeesha” Hubaal intaba wey yeesheen Ubadkii uu u DHaqan Galay Dhaqankaa Buulka HOOYO, waayo waa inta Dhaqanka Soomaalida u salka ah ee uu Ku Fadhiyo, Hadii inanteedii ugu Horeysay iyo kuway Ayeyda u AHAYD, siday tidhi aanay yeelin, oo aanay Hidaysan Hab-dhaqankeedii, maan heleen maanta DHaqan aan Markhaati Ka dhigto, illaahow waa kugu mahadaa, Dhaqankii Dadkii hore odhan jireen, DHaqnku waa DUUG ee Dhawra, Ma isla Fahanay inuu yahay DHaqan isaguna ah mid Buulkii Hooyo Ku Dhashay!?, DHaqankii Duuga ahaa Hadii la Ogaaday Gurigii uu Ku Dhashay, taasi maaha Dhaqanku waa Daray, HUBAAL Dhaqanku Waa DUUG!, Waayo Aadbuu u Da’ weynyahay, intuu BUUL jiray, qiyaas ahaan waa 7,000 oo sanadood hada Todoba-kun-oo-sanadood mudo Caggacaggaynaysa, ama kor u dhaafsan, Dhaqanku waa Guun Duug ah, hadana Dadkaynu Ka joogno, Dhaqamo kale ayaa uga horeeyey Dhaqanka Buulka, maxaa Marag ah?

Dadkii Hore ee ay Soomaalidu Ka joogto ee Dhintay ayaa ii Marag ah!, Marka aad Af iyo Dhaqan Facweyn Sida Ka Soomaalida, Cilmi ahaan aad u Darristo, Dadka Nool ha joogtee kuwii Dhintay ayaa kuu warramaaya oo Kow Dheh ku odhanayaa!,

Waayo, Xayn-daabkii ay Degenaayeen, Sawiradii ay Xarxariiqeen iyo Xawaalkii lagu Aasay, intaba war sugan oo taariikhi ah ayaad Ka helaysaa, Guulle mahadii weeyee Barashadii Afka iyo Dhaqanka waxaan Ka Taransaday in Illaahay ifahansiiyo Fariimihii ay ka tageen Dadkii hore Qaarkood, ee dhagaxaanta Ku Xardhan, Wax qalin lagu sheegi Karo maaha, Laakiin waa Wax lays hortaagi karo, Haduu eebe Xukmo, mid se aan sheego, Dadka ka tagey Fariimaha Sida Goobbaha Ku yaala Degmada LAAS-GEEL ee Gobalka Maroodijeex ee Jamhuuriyada Somaliland, kuwaa QABIILADA ay yihiin baan sheegi karaa!!, Midna waa iga ogaysiin, Goobtaa Sawirada Ku xardhan badankoodu waa Dadkii Buulka, taana waxaan Ku Caddaydoonaa Afsoomaaliga aynu Ku Hadalno!, Ee Horta Afsoomaaliga aynu isla fahano, DHaqanka, Aasaar iyo sawiro intaba, Afka ayaa Ka Facweyn, Beentu waa wax reeban, Afsoomaaliga AF aduunka Lamid ahi, in aanu hada JIRIN ayey ilatahay!, Aqoon baan Ku hadlayaa, Afkan aynu Candho-dalloolinay ee Hada inoo ah Afsoomaaliga waa Af wuxuu yahay illaahay lagu mahadiyo, waa AF Facweyn oo kumanaan Gu’ Jira, Coomirnimada Wuu Ku Mudan yahay, waxa se uu Mucjiso Ku yahay, waa Af Isku-raran ah!, Waxaan arkay maydun arage!, aan balbalaadhsho, Afsoomaaligu waa afaf isku raran oo laysku mideeyey, waana afka keliya ee aan arkay ee Af-qaamuus ah, waxaan Ka wadaa, Afsoomaaligu waa Af, Afaf ah oo lagu Hadlo oo hadana Taariikh kaydiye ah, umalayn maayo inaad ilasocotaane Tusaale ayaan idiin danbaysiin!,

Soomaalidu Hadalkay isku Fahmaane Qalinka iskuma Fahmaan!, Waayo, waa Dad Hadal!, Qalinkiina IIN, BOOG iyo DHIB ayuu yeeshey, Maku ogaydeen Qalinku inuu Ereyo Kala Dhawaaq ah, aanu kala suntin, oo uu isku Si, u Qoro, Qaar kale ayaan Ogaaday oo weligood Qalin arag ama meelba lagu xarriiqin, Waxa loo qori waayey waxaan u malaynayaa Culimadii Afsoomaaliga Qortay inay ereyadaasi Afsoomaali ula Muuqan waayeen, waa Erayo aan aad ula dhacay runtii, waad ila eegi lahaydeen, waxa se aan aad iyo aad uga xumahay in aanan halkan Ku Qori Karin, maxaa yeeley Qormadii 3aad ayaan Ku afeef dhigtay in eray bixin iyo erey bedel iga reeban yahay, sidaa awgeed erey aan weligii la qorin oo ciddi arag meel uu Ku Qoran yahay, waxa dhici karta in uu af-shisheeye dadka Qaar ula eekaado, sidaa aawadeed Dadka Afka ila wadaaga Hadii ay qiraan in ereyadaasi ay Afsoomaali yihiin AYEYNU isweydiin wixii loo Qori waayey, ana Hadeed baan Sharixi,

Bal Afsoomaaliga markaan idhi waa Qaamuus oo waa Taariikh-qabad, waxaan uga jeedo aan Tusaale Ka bixiyo,

Tusaale: Ereyadan “Soco” iyo “Orod” bal ila eega, SOCO = DHaqaaq = Darreer = Qulqul = Tag = Bax = Ka-jaqaafi = kabta-ka-ilo = Idhaaf = Ka-shub = Nabad-gal = Dhabaha-qabso = Ka-bul-dheh = Ka-boodhi = Ka-Hulleel iyo Oho-dhe ama Oho-ka-dhe! Afka danbe!,

Erayga Orod isna bal aynu eegno,

OROD = Carrar = Isasiidaa = Caymad = DHabbo-bacee = Big-dheh = Cagaha-wax-kaday = Jaantaa-rogan = Roor = Yaac = Cawrolay-cago,

Bal il-aqooneed ku eega Afkiina Laanta dheer ah!, Waa laba Erey Orod iyo Soco intaasi, oo weliba Guclo, Gamaara-gurdayn iyo Hangagaar aanay ku jirin!,

Bal eega Afaf Qalaad hadaad ku hadashaan, Labadaa Erey Orod iyo Soco ee Afsoomaaliga ah Dhigooda inay sidaa u Ab-tirsan karaan, Afkii Toban gaadhi waayaa waa Laan-gaab!,

Markaan leeyey Barta Afsoomaaliga Barta, waa Aqoon ahaan u barta Cilmi iyo Taariikh baa dhex gowdiida, Ma ogtihiin in Shan iyo tobanka erey ee Ereyga ‘Soco’ iyo kuwa Erayga Orod ee la midka ah in Qaar DHacdo Taariikhi ah, oo afka Ku xusuus Qoran ay yihiin!? Haa!, waxa Ka mid ah Cawrolay-cago, waa Erey Xikmad huwan oo Hooyo tidhi, waana qiso dhacday wakhti aad u fog oo Collaadi jirtay!, Ereyada Qaar waa Afafkii aan sheegey in la mideeyey, Ma ogtihiin Afsoomaaligu Goortii uu ugu Qiimaha badnaa inay tahay Xilligii Dadkii sawirada Midabada leh sawiray ay noolaayeen? Ma ogtihiin Afsoomaaliga erayadiisa inaad Sidii Buug aad u Akhriyi karto Hadaad Dhaqanka iyo Afka aad u dhago nugushahay? Hubaal Haa!, Hadaba Afsoomaaligu Cilmi ayuu la fadhiyaa, oo Ruug-qabad ayuu rabaa, ee Kaalaya aynu Kicinee, waa Afkeenii Waa Afkii-Hooyo, Hooyo-na waa Tii hoyga inoo nogotay ee Boggeeda iyo Buulka inagu Hoysay, inkastoo Buulkii Ugu horeeyey hadaanu AABO ama Adoo la dhisin, Hubaal may dhisteen, ee yeynaan ilaawin AABO waa ODOYGII Buulkee!

bal Erayga Hooyo waa Badweyn aan Laga gayoonayn ee Qalinka halkaa aan ku joojiyo.

Ilaahii ina abuuray ee Hooyo inagu dhex abuuray ee Qalinka wax inagu baray ee ina Garansiiya Wax aynaan Aqoon, Guul-low Allahayow, Mahad oo DHAN, EEbow adaa LEH.

Fuad Fartaag 10-01-2021

Arday Looxle ah

fartaagmuwaadin@gmail.com