Hargeysa(Qarannews)-Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha Dimuqraadiya iyo doorashooyinka ayaa sheegay in ay soo gaadhay oo ay ogaadeen go’aankii guddida Doorashooyinka Somaliland ay ku cayimeen jadwalka Doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in aan wakhti dambe laysla lumin, islamarkaana daneeyayaasha doorashooyinku fudaydiyaan qabyooyinka farsamo ee jira sida dhammaystirka sharciyada.

“Waxa aannu niyadda ku haynaa dareenka dadka Somaliland ee wakhtiga dheer ee ay qaadatay in la soo gaadho halkani. Waxa aan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu in ay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa jadwalkani loo na raaci lahaa, si loo sugo guulaha dimuqraadiyadda ee ay Somaliland leedahay.

Sidoo kale, waxa aanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka iyo dhamaan danneeyayaashu in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhamaan caqabadaha farsamo, dhaqaale iyo sharci ee jira sida ay xuseen Komishanku.”

Baaqani oo aan dhana taageersanayn ayaa soo beegmay xili ay gudiga doorashooyinku go’aankaasi ayna ku wada so on oo ay ku kala qaybsameen isla markaasna ay waxba kama jiraan ku sheegeen go’aankaasi ka soo baxay garab ka mid ah gudida doorashooyinka.

Go’aankani ay soo saareen garab gaar ahi oo ayna ku midaysnayn ayaa waxa qaadacay xisbiyada mucaaridka ah waxana qoraal diidmo ah soo saaray xisbiga Ucid xaga xisbiga Waddani ay sheegeen in ay xisbi ahaan ka shirayaan waxana si weyn dalka oo dhan looga sugayaa waxa ka soo bixi doona oo la filaayo in ay dalka oo dhan saamyayn xoogan ku yeelan doono.

Gobolada qaar ayaa dadweyne cadhaysani ay go’aankaasi ka soo baxay garab ka mid ah gudigii doorashada qaranka ay ku sheegeen mid aan sax ahayn oo aan dastuurka waafaqsanayn