Writen by Qaran News |

Sacad Cali Shire wuxuu cadeeyey in aan wax kiro ah oo sanadkii ka soo geleysa Somaliland saldhiga Berbera aanay jirin ee mashruucii la odhan jiray DP World baa samaynaysa ee Berbera Corridoor uun bay dadka ku qaldayaan mar labaad. Baashe Cawil Morgan oo nasiib kiisa sodogii iyo sodohdii u gabooneen ayaa Berbera Siduu doono ka yeelay. Markii hore wuxuu isku deyey in uu Dekeda isbaaro dhigto oo gaadhi wal oo soo dega uu lacag ka qaato hase yeeshee sutidaa loo qabtay. Hadana intuu haw yidhi ayuu keenay machine uu yidhi patroolka tayadiisa ayaa lagu baadhayaa oo halkaa Million iyo sadex boqol oo kun ( 1,300,000) buu ku qaatay waxaana laga soo siiyey boqol iyo afar kun (1,4000) oo dollar. Maalin dhowna waxa bilaab maya dhawaaqa wareejinta wershadii sibidhka ee Berbera oo ina Boore iyo Morgan shuraake ku yihiin. Waxa xigi doona haamaha shidaalka oo iyagana emaraadka lagu wareejiyo. Morgan intuu sodogii iyo sodohdii u tegay ayuu yidhi ii magacaaba safiirka UAE si aan Dekeda iyo Madaarka Berbera xoolo buuran inoogaga sameeyo Berbera badan keedana u xaraasho. Qorshe dheer buu dhamays tirayaa. Markay ka yeeleena waakaa Berbera ka dhigay emaarad ka mida isu taga emaaraadka carabta. Qoyska Silaanyo markay 7 sanadood jiifka ku jaqayeen wixii ka soo baxa Dekeda Berbera ay arkeen in mudo xilood koodi dhamaanayo ayay si fiican u sii xaraashteen. Waxaan se garan aqoon waayay Siyaad bare ba waa la iska celiyey ee waxa qoyska Silaanyo oo ka itaal daran la isaga qaban waayay. Hadaan ummadu itaal u hayn habaarna ma u waayeen. Hurdada ha helina markaa u baahataan, waar wuxu xagay ku soo gaajoodeen miyaanay dhergeyn ba. Dowaldii ka danbaysa kuwan gaajada ah ayaa dib u eegis ku samayn doonta qandaraas yadan ay booshaaqeen ee lacagta malaayiinta ah ku lunsadeen oo sidii shirkadii Total ayaa dibada loo turi kuwana. Bal wuxuu sacad shicibka u sheegayo dhegeysta ee uu leeyey abaarahana way inaga caawinayaan. Ma waxaasaa wax saldhig lagu bedesho ah.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com