Biden maxay uga dhigan tahay booqashadu ku tegaayo Dalka Sacuudi carabiya

Joe Biden ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tagaya Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dalka Mareykanka. Booqashadiisa ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo lagu wanaajinayo xiriirka Mareykanka iyo Bariga Dhexe.

Booqashada Biden ee dalal ku yaalla Bariga dhexe waxay qaadanaysaa 4 maalin.

Tan Sacuudiga ayaa ku soo beegmeysa dhowr bil kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hoggaamiyeyaasha Sacuudiga ay diideen inay khadka taleefoonka kula hadlaan Biden, inkastoo uu dadaallo badan sameeyay maamulka Mareykanka.

Biden laftiisa wuxuu marar badan Sacuudi Carabiya uu u soo jeediyey cambaareyn la xiriirta arrimaha xuquuqda aadanaha.

Xilligi Biden uu ku jiray ololahiisa madaxtinnimada ee 2019-kii wuxuu wacad ku maray inuu Sacuudiga ‘go’doomin doono’, sababo la xiriira dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

 

Sanadkii 2018, Jamaal Khaashuqji oo ahaa weriye u dhashay Sacuudi Carabiya ayaa lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ay ku leedahay magaalada Istanbul. Laamaha sirdoonka waddamada Reer Galbeedkana waxay shaki ka muujiyeen dilka Khaashuqji loo geystay amarkiisa inuu bixiyay dhaxl-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxammed bin-Salmaan.

Haddaba booqashadan ayaa waxay muujineysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda maamulka Biden. Biden markii uu xukunka qabtayna Aqalka Cad waxaa laga sheegay Biden inuu la hadlayo Boqor Salmaan oo keliya, maaddaamaa dhiggiisa uu yahay. Dhaxal-sugaha oo ah xoghayaha difaacana haddii uu doono uu la hadli karo dhiggiisa xoghayaha difaaca Mareykanka.

Boqor Salmaan
Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan

Aqalka Cad muxuu ka yiri booqashada Biden?

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka waxaa laga sheegay in Biden uu Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil booqanayo 13 ilaa 16 bisha soo socota ee Luulyo, uuna la kulmayo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin-Salmaan.

Bayaan ay soo saartay xoghayaha warfaafinta aqalka cad ee Mareykanka, Karen Jane waxay ku tiri: “Waan bogaadineynaa hoggaanka iyo casuumaadda Boqor Salmaan. Waxaan rajeynaynaa booqashada Sacuudi Carabiya inay tahay mid muhiim ah maaddaamaa Sacuudi Carabiya ay ahayd saaxiib istiraatiiji ah oo aad ugu muhiimsan Mareykanka.”

 

Booqashada Biden ayaa ka billaaban doonta Israa’iil iyo Daanta Galbeed. Kaddib waxa uu u safri doonaa magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu Biden kaga qaybgali doono shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) oo ay ku kulmi doonaan madaxda dalalkaas. Shirkan waxaa ka qeybgalaya madaxda sagaal waddan marka laga reebo Masar, Urdun iyo Ciraaq.

.
.

Qiimaha Saliidda miyaa sababay inay isbeddesho Istiraatiijiyadda Biden?

Donald Trump ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku taga dalka Sacuudiga, waana safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu xilka qabtay. Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu aad ugu dhow yahay Trump. Kaddib markii uu madaxweyne noqday, Trump wuxuu jabiyay dhaqankii horay u jiray ee ahaa in madaxweyne kasta oo Mareykan ah uu safarkiisa ugu horreeya ee dibadda ka billaabo Canada ama Mexico.

Guushii uu Biden ka gaaray doorashada Madaxweynaha si caadi ah ayuu Sacuudiga ugu hambalyeeyay. Balse, afar sano ka hor markii Trump uu doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay, Sacuudiga si degdeg ah ayay gushiisa ugu hambalyeysay.

 

Qiimaha shidaalka ee sare-u-kacay wixii ka dambeeyey duullaanki Ruushka ee Ukraine ayaa sababtay maamulka Biden inuu garwaaqsado inaan la joogin xilligii saxda ahaa oo la hurin lahaa xiisadda Sacuudiga kala dhaxeysa.

Muddo 14 sano ah kaddib marki ugu horreysay qiimaha fuustada saliidda ceyriin waxay gaartay 130 doollar. Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka ayaana ah waddamada keliya ee wax-soo-saarka saliiddooda ku kordhin kara malaayiin fuusto si qiimaha loo dajiyo.

Mareykanka marar badan ayuu Sacuudiga ka dalbaday inay kordhiso wax-soo-saarkeeda saliidda si ay xal ugu noqoto sare-u-kaca ku yimid qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka, balse Sacuudiga wuu ku gacan seydhay codsiga Washington uga yimid.

Si kastaba ha ahaatee, OPEC Plus, oo ah koox ka mid ah dalalka soo saara saliidda oo uu Sacuudi Carabiya hoggaamiyo, ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u yihiin inay xagaagan wax-soo-saarkooda saliidaa 50% kordhiyaan.

Khaashuqji
Jamaal Khaashuqji

John Kirby oo ah mas’uul sare ka ah Aqalka Cad ee Mareylkanka wuxuu telefishiinka Al-Carabiya u sheegay kulamada uu Biden la yeelanayo madaxda Sacuudi Carabiya in diiradda lagu saarayo dagaalka Sacuudiga uu Yemen ka wado iyo qiimaha saliidda.

Warbixin Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ay bishii Febaraayo soo saartay waxaa lagu sheegay Dhaxal-suge Maxamed binu-Salmaan inuu yahay ninka ansixiyay dilkii loo geystay weriyaha Sacuudi Carabiya, Jamaal Khashuqji.

 

Inkastoo Dhaxal-sugaha uu diiday eedda loo soo jeediyay ee dilka weriyaha siyaasadda Sacuudiga sida weyn u dhaleceeya ee Jamaal Khaashuqji.

Maamulka Biden ayaa sidaas oo kale lagu dhaleeceeyay inuu diiradda saarayo caqabadaha Shiinaha iyo Ruushka, halkii uu Bariga dhexe xoogga saari lahaa.

Maxamed bin-Salmaan
Maxamed bin-Salmaan

Dib-u-milicsiga xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka

  • Xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya wuxuu soo billowday 14-kii February 1945-kii
  • Isla maalintaas markab taagan kanaalka Suez waxaa ku kulmay Madaxweynaha Mareykanka Frankilin D Roosvelt iyo Boqor Cabdulcasiis bin-Sacuud oo ahaa aasaasaha Sacuudi Carabiya.
  • Kulankoodaasina Boqor Cabdulcasiis wuxuu oggolaaday inuu saliidda qiimo jaban ku siiyo Mareykanka
  • Taa beddelkeedana Roosvelt wuxuu ballanqaaday inuu Boqortooyada Sacuudiga ka difaacayo cadowga dibadda
  • Xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal u dhaxeeya waxaa ka dhashay lix dagaal oo dhexmaray Israa’iil iyo dalalka Carabta, xilligaas oo ay labada dal la kala safnaayeen labada dhinac
  • Qalalaasihii shidaalka Carabta ee 1973-kii dhacayna ma dhaawicin xiriirka labada dal
  • Xisaabta ilaalinta saliidda ee u dhaxaysa labada dal waa mid aad u xooggan, wax saameyn ahna kuma yeelan weerarradii dhacay September 2011 (9/11)
  • Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu diiday inuu Biden la hadlo
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Bishii March ee sanadkan, wargeyska Wall Street ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Aqalka Cad uu isku dayay in Madaxweyne Biden uu telefoon kula hadlo madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Balse isku daygaas wuu fashilmay.

 

Sida warbixinta lagu sheegay, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin-Salman iyo Sheikh Mohammed bin Zayid Al-Naxyaan ee Imaaraadka Carabta labaduba waxay diideen inay la hadlaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Inkastoo 9-kii Fabaraayo ee sanadkan uu Biden la hadlay Boqor Salmaanka Sacuudiga.

Muxuu sheegay Biden inta uu madaxweyne noqon?

Biden xilligii uu ku jiray ololahiisa doorashada madaxweynaha wuxuu sheegay inuu ‘Sacuudiga go’doominayo’ isagoo sheegay Sacuudiga inay dusha ka saaran tahay mas’uuliyadda dilka loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji.

Biden waxaa kale uu sheegay in Sacuudiga ay Yemen ku dishay carruur iyo rayid.

Sida lagu sheegay wargeyska Newsweek Biden bishii October 2020-kii wuxuu yiri: “Maamulka ay hoggaanka u hayaan Biden iyo Harris, waxaan dib u eegi doonnaa xiriirka aan la leennahay Sacuudiga, waxaan joojin doonnaa taageerada Mareykanka uu ka geysto dagaalka Sacuudiga ee Yemen, waxaana hubin doonnaa in Mareykanka aan loo oggolaan inuu u tanaasulo qiyamkiisa si uu hub u iibiyo ama saliid uu u soo iibsado.”

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqashada uu ku imaanayo Bariga dhexe waxay dhigeysaa taariikh hor leh, isagoo duullimaad toos ah ku tagaya Riyadh, kana soo kicitimay Israa’iil. Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil ayaan weli lahayn xiriir diblumaasiyadeed.

Sacuudi Carabiya waxay dhowaan oggolaatay duullimaadyada ganacsiga ee ka soo kicitima Israa’iil, kuna socda Isu-tagga Imaaradka Carabta inay hawadeeda soo maraan. Madaxweyne Joe Biden inta uu booqashada ku marayo Bariga Dhexe wuxuu la kulmi doonaa raysul wasaaraha Israa’iil iyo Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas.