Boqol-guuradii Burburkii iyo Duqayntii Diyaaradaha
Ingiriisku u geysteen Burco iyo Iska caabintii ay la kulmeen.

Boqol sano ka hor shacabka reer Burco ee Somaliland waxay ka gadoodeen cashuurtii uu
Ingiriisku ku soo rogay. Winston Churchill wuxuu amray in la duqeeyo magaalo dhan, ayay
qortay gabadha weriyaha ah ee Isabel Ringrose.

D.H.9 Diyaaraddo Qaraxyada Argagax leh ka geeysatay Somaliland.

Iyaga oo fulinaya amarka Winston Churchill bishii Febraayo 1922, diyaaradaha RAF waxay
duqeeyeen magaalo ku taal Somaliland oo xilligaas loo yaqaannay British Somaliland, kuna
taalla bariga Afrika, kadib markii dadkaasi kasoo horjeesteen cashuuraha gumeysiga.
"Dadkii daganaa magaaladaas waxaa laga soo saaray guryahoodii, aagga oo dhanna waxaa
baabi'iyay qaraxyo isugu jira bambaaneyaal, rasaas iyo holac," ayuu qoray taariikh yahan.

Maamulka Ingiriiska ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay canshuur culus ku soo rogi
doonaan, ayna bilaabi doonaan barnaamij hub ka dhigis ah oo ay kujirto magaalada Burco.
Soomaaliya xilligaas waxaa gacanta ku kala hayay ciidamada Talyaaniga iyo kuwa Ingiriiska.
Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland waxa la aas aasay dabayaaqadii 1880-aadkii ka dib markii
Ingiriisku qabsaday dhul xeebeedka. Ujeedada cashuurta ayaa ahayd in la ururiyo dhaqaale lagu
maamulo maxmiyadda Somaliland, taas oo loo arkay inay “kharash ku tahay” dhaqaalaha
Xafiiska Gumaysiga.
Waxa kale oo ay ahayd in la xoojiyo gacan-ku-haynta Ingiriiska ee Somaliland ka dib Dagaalkii
Derwiish-ka ee ka dhanka ahaa dhaqdhaqaaqii wax-iska-caabbinta ee tobannaanka sano socday.
Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta waxa lagu aasaasay Burco 1899kii.
Sannadkii 1920kii, ciidamada Ingiriisku waxay bilaabeen ololahoodii shanaad ee ugu dambeeyay
ee ka dhanka ahaa dhaqdhaqaaqa. Ka dib seddex toddobaad oo dagaal ah, Daraawiishtii uu
hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waa la jebiyey 20 sano ka dib. Iyaga oo ka
jawaabaya cashuurta cusub ee lagu soo rogay, dadka reer Burco waxay abaabuleen rabshado ay
kaga hortagayaan gumaysigii Ingiriiska oo ay necbaayeen.

Habdhaqankaas Ingiriiska waxaa ka gadooday dagaalyahanada beesha Habar Yoonis oo
dagaal la galay ciidamadii Ingiriiska oo mucaarad ahaa. Waxay beegsadeen saraakiil ka tirsan

dowladda Ingiriiska, taasoo keentay in rasaas la isweydaarsado.

24kii Febraayo Kabtan Allan Gibbs ayaa u dalbaday Ciidamada Rakuubleyda (Camel Corps), oo
badi ka koobnaa Soomaali, si ay u demiyaan kacdoonka. Laakiin way diideen in ay rasaas ku
ridaan dadka falaagoobay. Gibb ayaa horay ula baxay turjumaankiisii ​​kadibna toogasho ayaa
lagu dilay. Maamulka gumeysiga ee Ingiriiska ayaa argagaxay markii ay ogaadeen in aysan
xakameyn karin kacdoonka.

Argagaxaasina waxa uu keenay inay ka codsadeen Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Gumeysiga
Winston Churchill inuu gurmad uga soo diro saldhigga Cadan ee Yaman. Sir Geoffrey Archer,
Badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland, ayaa u qoray Churchill si loo xaqiijiyo dalabkiisa laba
diyaaradood oo loo baahan yahay "qiyaastii afar iyo toban maalmood."
"Waxaan soo jeedinaynaa in lagu ganaaxo 2,500 oo geel ah qaybaha ay khusayso, kuwaas oo
dhab ahaantii go'doonsan, lagana dalbadaa inay dhiibaan ninkii dilay Gibbs," ayuu qoray.
“Ninkaas waa la yaqaan. Ganaax waa in la labanlaabo haddii lagu guuldareysto in loo
hoggaansamo shuruudaha dambe, diyaaradahana waa in lagu baabi’iyaa xoolaha iyo dhul
daaqsimeedka.”

Aargoosi naxariis darro ah oo lagaga hortagayay iska caabinta fallaagada, Churchill waxa uu
oggolaaday in diyaarado dagaal oo katirsan (Number 8 Squadron RAF)
laga soo kiciyo magaalada Cadan, loo diro magaalada Burco, ciidamadiina heegan ayaa
lageliyay.

Churchill waxa uu baarlamaanka ka yiri, "Ciidamada degdega ah waxay noqdeen lama huraan si
loo xaqiijiyo soo qabashada iyo ciqaabta kuwa mas'uulka ka ah dilka Gibb."
Laba maalmood gudahood ayay diyaaradihii soo gaadheen magaalada Burco, waxaanay
duqaymo ka geysteen magaalada, kuwaas oo gabi ahaanba meesha ka saaray jiritaankeedii.
Burburkii Burco iyo qalalaase todobaadyo socday ka dib, waxaa tanaasulay madaxdii jabhadda.

Habar Yoonis waxay ku heshiiyeen inay ganaax yar oo xoolaha ka bixiyaan dilkii Gibbs.
Balse waa ay diideen in ay Ingiriiska u gacan geliyaan ninkii dilka geeystay. Muddo kaddib
ninkaas waxaa loo aqoonsaday halyeeygii da’da yaraa ee Faacuul Aadan Jugle, kana tirsan
jilibka Reer Wayd, waxaana loogu dabaaldegay geesinimdiisa.

Dhaqan-gelin la'aanta go’aannadiisii waxay keentay, in Archer ka noqdo siyaasaddii cashuuraha
iyo hub-ka-dhigista – taas oo noqotay guul u soo hoyatay Soomaalidii ku hoos noolayd
gumeysiga Ingiriiska. Archer isla markiiba waa la bedelay, siyaasadaha kale ee deegaankana dib
ayaa loo eegay sababo laxidhiidha wax iskacaabinta awgeed.
Arxan-darrada Churchill iyo jawaabtii gumaystihii Ingiriiska ee kacdoonka waxay muujinaysaa
naxariis-darrada Gumaystaha. Waxa kale oo ay muujinaysaa sida ay uga baqeen kacdoonka iyo
fallaagada oo ahaa kuwo leh cudud xooggan. Awoodda ay reer Burco iskaga caabiyeen
ciidamadii Ingriiska ee awoodda badnaa waa sheeko dhiiri galin u leh iska caabinta
Boqortooyadii Ingiriiska.
Xigasho:Linkigan hoose riixi

Destruction from the air in British-ruled Somaliland