Boqor Osman Buurmadow Ayaa Qormadan Qoray
” Waxaan Si Kal iyo Laab Ah U Hanbalyaynayaa Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif
Waxaanan Aaminsanahay inuu U Tudhay
Golihii iyo Umadii Hore U Dooratay
Iscasilaadiisa Waxaa Soo Dedejiyey
Kolkuu Arkay Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Aan U Tudhayn Shacabkeeda
Sharciga Dalka iyo Umadii Aamintay
Waxaynu Xogagaal Ka Nahay Sharciga Jebinta Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Sare,
Waxaynu Kale Oo Xog Ogaal Ka Nahay
Inay Xukuumadu Saaka Ka Shaqaysay
Inay Golaha Ka Dhex Bilawday Kala Qaybin
Si Ay Ugu Sii Adkaysato Sharci Daradii Maxkamada, Waxaan Ka Mid Ahaa
Dadkii Gudoomiye Cabdirisaaq Kula Taliyey
Inuu isagu Badbaadiyo Golihii Uu Odayga U Ahaa Maadaama Gudoomiye Cabdirisaaq
Si Hufan Xilkii Uga Degay ,
Waxaan Barlamaanka Kula Talin Lahaa
In Aanay Ku Mashquulin Furida Xeer Hoosaadka Ee Keliya Ay Ku Mashquulaan Golaha Inay U Doortaan Gudomiye Haga
Geedi Socodka Golaha Baarlamanka
Maadaama Wakhtigaa Distoorku Ogolyahay Yahay Jagada In Lagu Buuxiyo Todoba cisho
Halaga Fogaado Wax Keeni Kara Khilaaf Golaha Kala Firdhiya, Xildhibaanadu Ha Muujiyeen Deganaan Iyo Xilkasnimo
Illaahay Haynoo Dooro Hogaan Khayr Qaba “