Hargeysa- (Qaran news)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu beesha Ciise Muuse ku guubaabinayo inay Berbera difaacdaan oo ay ka hortagaan jabhada buurta Gacan libaax galay.

Boqor Buurmadow wuxuu beesha Habar Awal ugu baaqay inay ku soo dareeraan oo ay gacanta dalka ka qabtaan Muuse Biixi maadaama oo ay dhaqaalihii iyo awoodii gacanta ku hayaan. Waxaanu u mahadcelitay Cali Guray, Dhegaweyne, Xildhibaan Laab-saalax iyo Suldaan Xasan oo uu majeertay siday badhadhahooda uga dhiibtay hoggaaminta Muuse.

Waxa kaloo uu ku dhaliilay beesha Habarjeclo inay labadii xil ee ay hayeen Komishanka iyo Guurtiddu ay
khalad ku galeen.

Sidoo kale Boqor Buur-madow wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay waxba ka ogayn kooxda buuraha galay, waxaanu beesha Garxajis u soo jeediyay in aanay dagaal soo arkeen maanta lagu noqon karin 1994kii.