Boqoradda Quruxda ee nafteeda galisay khatar ka wayn kufsigii ay ka badbaadday

Selamawit Teklay,SELAMAWIT TEKLAY

Gabar boqoradda quruxda ah oo caan ah oo kasoo jeedda gobolka ay dagaallada halakeeyeen ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ka sheekeysay qisadeeda naxdinta leh ee ku saabsan sida ay ku gashay UK.

Selamawit Teklay, oo ka baxsatay Tigray ayaa magangalyo waydiisatay dowladda UK kaddib markii ay ka gudubtay biyaha English Channel oo ay halis badan ugu bareertay.

Markii ugu horraysay Ms Selamawit waxay sanadkii lasoo dhaafay tagtay Faransiiska ka hor inta aysan nafteeda khatar ku galinin safar doon ah oo ay la gashay tahriibeyaal kale.

Gobolka Tigray ayaa dagaal sokeeye galay dabayaaqadii 2020-kii, waxaana ka dhacay dilal badan, kufsi iyo wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay “xaalad u dhow macluul”.

Wareysi uu la yeeshay Wariyaha BBC-da laanteeda Tigrinya, Line Tsigab, ayay kula talisay dadka kale ee ku fikiraya inay tahriibaan in aysan u bareerin khatarta badda.

Dhibaato badan iyo naxdin ayaan kala kulmay safarta aan ku soo gaaray UK. Waxaan arkay walaalo reer Tigray ah oo ku hafanaya biyaha badda. Waxaan ka mid ahay dadkii ka badbaaday English Channel.

Bishii November ee sanadkii 2021-kii waa bisha aanan waligay hilmaami doonin. Markii hore waxaan dhowr habeen ku dhuumannay Faransiiska.

Waxaan qiyaastii labo isbuuc joognay dhul howd ah oo ka tirsan Calais. Qabow aad u daran ayaa jiray, cunto ma aannaan haysan, biyo aan kabban karnana ma jirin. Dhib wayn ayaan la kulmay – dhib aan dhammaad lahayn.

Waxaan sugaynay qof wax tahriibiya. Kuwo kala duwan ayaa yimid. Waxaan kala heshiinnay lacagta. Waxay tahriibayaasha kaxeeyaan xilli habeen ah, si ay booliska uga dhuuntaan.

Tahriibeyaal

Safarkii koowaad, markii ay dad kale oo reer Tigray ah isku dayeen inay ka gudbaan badda, doontoodii way quustay.

Nasiib wanaag waa la badbaadiyay.

Annaga oo aan wali isku dayin inaan tallowno ayuu warka xun nasoo gaaray.

Waan argagaxnay. Balse ma jirin waddo kale oo noo furnayd. Waxaan ku khasbanayn inaan aadno meesha aan doonaynay.

Dhowr maalmood gudahood, waxaan qaadnay tallaabo. Waxaa jiray qabow aad u xun badduna way kacsanayd. Waxaan raacnay doon yar.

Waxaa naloo oggolaa oo keliya inaan sameyno waxa ay kuwa wax tahriibiya nagu amraan.

Nafarkii badda ee ku wajahnaa UK ayaa noo billowday, si aan nolol fiican u helno.

Balse safarkeenna ma ahayn oo kaliya mid aan mugdi ku baxnay.

Wuxuu ahaa mid dhimasho ku dhow. Matoorkii doonta ayaa ku dhacay badda.

Nin Carab ah oo nala socday ayaa ku booday badda si uu isugu dayo in uu matoorka soo bixiyo. Way u suutageli waysay. Kaddib mid kale oo Tigray ah ayaa galay biyaha.

Selamawit Teklay

SELAMAWIT TEKLAY

Walaalkeen dib dambe uma uusan soo noqonin. Waan raadinnay. Waxaan maqlaynay qayladiisa. Waan heli waynay.

Waxaan dalbannay caawinaad. Hase yeeshee saddex saacadood kaddib ayay imaadeen ciidanka badbaadada. Walaalkeen wuxuu biyaha ugu dhintay aniga hortayda.

Waxaan indhahayga ku arkay geeridiisa. Ninka Carabka ah nasiib ayuu u yeeshay inuu badbaado.

Waxaa u suurtagashay in uu dib ugu soo laabto doonta. Doonta markii aan saarnaa ayaan garawsaday in go’aanka safarkayga uu ahaa mid khaldan.

Aniga iyo dadkii kale ee soo badbaaday waxaan isu dhiibnay ciidanka ilaalada xeebta, kuwaasoo saacado badan kaddib naga kaxeeyay badda.

Saddex ama afar maalmood kaddib markii aan gaarnay UK, kooxdii saddexaad ee tahriibayaasha ahaa ayaa safarkooda isku dayay. War wanaagsan ma aannaan maqlin; dhammaantood way ku dhinteen biyaha.

Labo ka mid ah dadkayga ayaa ku jiray dadkii dhintay. Mid ka mid ah waxay ahayd gabar aan aqaannay oo aan isla dagganayn magaalada Maqalle.

Waxaan u ooyay xaaladdayda iyo xaaladda dadkayga, sidoo kalena waxaan u ooyay waalidiinteyda.

Waalidkeyga ma aysan ogayn inaan waddankan kusoo galayo qaabkan.

Markii aan billaabay safarkan, waxaan nafteyda u sheegay inaysan noqon karin xaalad ka daran tii aan kula kulannay Tigray. Dhibaatooyin aad u xun ayaan kusoo aragnay dalkeenna.

Dad badan ayaa ku barakacay dagaalka Tigray

Balse, in baddan laga gudbo waa khatar aysan ahayn inuu qof isku dayo. waligay kuma fikirin inaan ka tago waddankeyga. Waligay iguma soo dhicin inaan baxo.

Marka aan dibadda u aadi jiray tartamada quruxda ama shaqooyin kale, dalkeyga ayaan mar walba ku laaban jiray.

Ganacsi ii gaar ah ayaan ku lahaa Maqalle, waxaana ku naqshadeyn jiray kuna iibin jiray dharka hiddaha iyo dhaqanka.

Markii uu ganacsiga Maqalle wanaagsanaa, xaaladdaydu way fiicnayd.

Kaddib, bishii November ee 2020-kii ayuu qarxay dagaal sokeeye oo kumannaan qof lagu dilay. Wax badan ayaan ku waynay dagaalka awgiis.

Wuxuu sababay jaago, kufsi iyo dhibaato aan lagu fikiri karin.

Akoonnadii bangiyada ee Tigray waa la xayiray, qof lacagtiisa heli karayna ma jirin.

Selamawit Teklay

SELAMAWIT TEKLAY

Nasiib wanaag kama mid noqonin gabdhihii walaalahayga ahaa ee lagu kufsaday Tigray.

Balse dhaawac dhanka dhimirka ah ayaa isoo gaaray.

Duqeymo xooggan ayaa lagu weeraray Maqalle markii uu dagaalka qarxay. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka qaxno gurigeenna, waxaana tagnay tuulo..

Abtigay ayaa lagu dilay magaalada Aksum. Kaddib waxaan go’aansaday inaan ka tago dalka. Waxaan rajaunayaa inaan helo nabad.